Fanaaniin ay Kamidyihiin C/xakiin Fara Yare iyo King Khalid oo Magaalada Muqdisho ka Degay.

Tuesday 11 December 20120 comments


Khaalid Shariif Ahmed oo loo yaqaano King Khalid  iyo labada fanaan ee kala ah C/xakiin Fara yare iyo Xasan Cujeyri Cajame ayaa saakay ka degan magaalada Muqdisho, waxaana si wanaagsan loogu soo dhaweeyay Garoonka Adan Cade.

 Fanaaniintaan ayaa marti qaad ka helay sida la sheegay Hey’adda wada hadalka Bulshada ee CCD, waxaana loo sameeyay soo dhaweyn aad u heersareysa.



King Khalin oo wariyeyaasha kula hadlay qolka nasashada ayaa ka dhawaajiyay in 20-sano wax ka badan uu ka maqnaa Muqdisho, isagoo dhinaca kale tilmaamay inuu ku faraxsanyahay imaashiyaha Muqdisho.

 Khalid ayaa wax aan la iloobi karin ku sheegay qaabka loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho, wuxuuna balan qaaday inuu soo bandhigi doono heesihii uu caanka ku ahaa.


______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G.  Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved