Wadada Loo Maro Xasiloonaanta iyo Kalsoonida Nafta. (Qormo Muhiim Ah)

Tuesday 11 December 20120 comments


Wakhtigan aan hadda ku jiro ayaa waxa adduunka ku soo badanaya deg dega (Stress) ama kadeedka laga qaado shaqada ama xaaladaha cusub ee noloshan casriga ahi wadato.

Noloshan casriga ah ee degdega wadata ayaa ah mid caafimaadka qofka hoos u dhigi karta. Iyada oo degdegani saamayn karo qofkasta ayaa haddana waxa jira arimo hoos u dhigi kara stress- degdegan qofka haya.

Arimo si weyn uga qayb qaata dhimista degdega ayaa waxa ugu muhiimsan qodobadan hoos ku xusan.

  • Ma jirto waxa kugu abuuri kara dareen xoogan oo deg deg ah sida ka marka aad dareento in aanad isu diyaarin shaqo. Waxa aad isku qorshaysaa 5 daqiiqo si aad u habayso shaqada subaxii aad samaysid. Waxa aad qorotaa liis aad ku qorato arimaha aad samaynayso oo u bixi magic sida liiska shaqada. Liiska ayaa waxa uu kuu sahlayaa in aad si fiican u maamusho wakhtigaaga. Mana dareemaysid in uu degdeg kugu dhaco.


  • Dumarka ayaa marka ay dareemaan degdeg ama kadeed waxa ay nafta ku maaweeliyaan in ay cunaan waxyaabaha qaqabow ee nafta dajiya. Haddaba qaado in yar oo ka mid ah macmacaankaas aad jeceshahay sida lowska ama iyo qaybaha kala duwan ee macmacaanka. Haddii aad isku daydid in aad naftaada ka ilaaliso oo aanad cunin macmacaankaas marka aad dareemayso kadeed ama degdeg, ayaa waxa ay kugu dhalinaysaa in aad xiiso badan u sii qaado macmacaanka. Taasina waxay kugu keeni kartaa in aad cunto in ka badan intii hore. Halkaasna caafimaadkaagu ku xumaan karo.


  • AMarka uu qofku uu qabto si joogto ah oo isku mida howlihiisa ayaa waxay hoos u dhigtaa dheecaanka jirku soo daayo ee ka dhasha degdega ama kadeedka. Howlaha uu qofku qabanayo  ee u dhigaya degdega ayaa waxa ka mid ah asago oo qofku tosho dhar, Huufarka la mariyo guriga. Marka uu qofku si joogto ah u samaynayo shaqadan ayaa waxa hoos u dhacaya dhiigiisa ku dhacay kadeedka uu dareemayo, garaaca wadnaha oo caadi kusoo noqonaya iyo muruqyada oo debcaya oo uu raaxo ka helayo.


  • Dhaqaalaha ayaa asuguna qayb ka qaata kadeedka. Waxa aad isku daydaa in aad hal mar todobaadkii aad isticmaasho lacagta kuugu jirta baanka ama kaydka kuu yaala. Marka aad sidaas samayso ayaa waxa si fiican ula socon kartid, una ogaan kartid waxa lacagtaadu ku baxayso.


  •  Qofka oo dhiigiisa ufura in uu ku maqlo hadalka wanaagsan oo u horeeyo Qur’aanka kariimka ah, markasta oo aad badsato dhagaysiga Qu’raanka waxa aan dareemaysaa xasiloonaan iyo daganaan badan.


  • Waxaa aad si degan 5 daqiiqo uga fikirtaa si aad ah arin kadeed ah oo mar kusoo martay sidii aad u xalishay, sida adiga oo shaqa kale bilaabay ama jacaylkaagii burburay. Marka aad dib u eegto dhibaatooyinka kusoo maray ee aad xalisay ayaa waxa aad ka helaysaa aqoon, aqoontaas oo kuu fududaynaysa marka dhibaato cusubi ku soo daristo.


  • Baadhitaan lagu sameeyey wadanka Sweden ayaa waxa lagu ogaaday in dabaasha laga helo degenaansho. Marka aan dabaalanayno ee biyaha kor sabaynayno ayaa waxa hoos u dhaca dheecaanka sababa degdega ama kadeedka eek u jira jirkeena, boqolkiibana.

  •  Telefoonada iyo mail-ka ayaa waxa ay had iyo jeer ina galiyaan degdeg, sida in aad ahaato qof markasta la heli karo oo lala soo hadli karo, taas oo kuu keeni karta degdeg kugu dhasha. Â Waxa aad samaysataa waqti u khaas ah oo aad ku eegayso telefoonada iyo email-ka. Ma aha in xidhiidhka lagaala soo samaynayo arimaha quseeya shaqada ay gurigaaga iyo qoyskaaga kaa mashquuliyaan.


______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G.  Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved