WAR DEG DEG AH:- Malaayin Isticmaala Alaada Facebook Oo Ka Caagan in Ay Galaan Boggoda Ayku Leeyihiin Aaladaasi, Sababtu Maxay Tahay Aqriso (Warbixintan)

Tuesday 11 December 20120 comments

HMN(Hablaha.com)-Aalada Facebook oo ah tan caalamka loogu isticmaal badan yahay ayaa waxaa lasoo sheegayaa in hada ay dhibaato soo wajahday aaladaasi, dhibtan oo  ilaa iyo hada aan la ogeyn wax yaabaha sababay.

Waxa ay cabasha ka soo yeereysaa Malaayin fara badan oo iyaga isticmaala facebook, iyagoo cabashadooda kusoo gudbinaya aalada kale ee arrimaha bulshada  Twitter-ka waxa ay shegayaan in ay dhib tahay in ay galaan bogga hore ay ku leeyihiin facebook-ga. Jawaab celinta ay kala kulmayaan ayaa ah markii ay galiyaan userkooka iyo passworka ayaa ah sida:- “boggani ma aha wax jira” taasi oo ku tusinayso in ay tahay dhibaata la xiirirta DSN-ka khaaska u ah facebook-ga.

Internet Hackers
Ilaa iyo  hada iminkana ma cada dhibaatadaasi Kentay Arrinkan, Balse Hablaha Media Network(HMN) hablaha.com ayaa si deg deg ah Idinla socodsiin doonta Wixii kale  ee ku soo kordho dhibaatadan soo wajahday isticmaalayaashi facebook-ga qaarkood. 
Dadka isticmaala ayaa sheega laba arrimood oo Ku saabsan dhibaatadooda qaabka ay tahay iyagoo usoo maraya gudbinta cabashadooda Aalada kale ee aan ka dhicin Facebook-ga Twitter.

  • Qaabka 1aad :wax ay ku sheegeen boga ay ku eeyihiin twitter-kooda iyaga oo ilaa iyo hada aan gali karin boggoodii facebook-ga. halka kuwo kale ay sheegan bogga hore ayba dhib ku tahay in ay gaaran. Waxa dhib ugu weyn ay heysataa kuwa ka isticmaala Mobilekooda.


  • Qaabka 2aad:waxa ay u muuqataa in aaladaasi hada ay suuro gashay dad badan in ay isticmaali karaan, halka tira badan oo ku nool bariga dhexe ay wali u suuro galin in ay  gabi ahaanba galan boggoodi Aaladaas.


Ugu danbeytii dhibaatadan ayaan wali la garan halka ay ka timid ayadoo marmarka qaar ay suuro gal tahay in weerar uu kaga yimid burcada internet-ka ee loo yaqaan Internet Hackers .

______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G.  Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved