Aasiya Oo Looga Cabsi Qabo In Ay Ka Awood Badan Doonta US iyo Yurub .

Tuesday 11 December 20120 comments


Shiinaha ayaa waxa uu labaatan sano 
gudaheednoqon doonaa dalka ugu 
dhaqaalaha badan caalamka.
Hey'adaha sirdoonka Mareykanka ayaa saadaaliyay in labaatan sano hadda kadib qaaradda Aasiya ay yeelan doontaa awood ka badan tan Mareykanka iyo Yurub oo la isku daray.

Warbixinta oo loogu magacdaray "Jihada Caalamka u socdo 2030", oo la sii daayay ka hor xilliga labaad ee xafiiska ee Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama, ayaa waxa ay bixineysaa qiimeyn istaraatiiji oo la xiriirta horumarka dhinacyada dhaqaalaha iyo ammaanka.

Waxaa kale oo ay ka hadleysaa saameynta kororka dadka, oo ay ku jiraan sida ay gabaaabsi u noqon doonaan cuntada iyo biyaha.

Warbixintu waxa ay sheegtay inay yaraan doonaan weerarada argagaxisada marka ciidanka laga soo saaro Afghanistan, laakiin waxa ay ka digtay weerarro halis ah oo dhinaca internetka ah.

______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G.  Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.


Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved