Xiisad ka taagan dalka Bartamaha Afrika iyo Mucaaridka oo kusoo wajahan Caasimada

Thursday 27 December 20120 comments



Dalka Bartamaha Afrika (Central African Republic) ayaa waxaa dib uga soo cusboonaaday dagaaladii u dhaxeeyey jamhada mucaaridka ah iyo Dowlada. Ciidamada Jamhada dalkaasi oo isbaheysi lagu magacaabay SELEKA ayaa qabsaday dhawr magaalo ayagoona hada kusoo wajahan magaalada caasimada ah.

Maalmihii lasoo dhaafay ayey dagaalyahanada SELEKA ay la wareegeen in ka badan 10 magaalo oo kamid ah wadankaasi Bartamaha Afrika ayagoo hada kusoo dhawaaday magaalada caasimada ah ee Bangui.

Jamhada ayaa sheegtay inaysan dooneyn inay hada la wareegaan magaalada Caasimada ah balse xarunta dalkaasi ayaa hada waxaa ka bilowday qaxa shacabka iyo waliba diblumaasiyiinta ku sugan safaaraddaha reer Galbeedka ayaa bilaabay inay isaga baxaan magaalada caasimada ah ee Bangui.

Dowlada Faransiiska oo ayadu horey u gumeysatay dalkaasi ayaa ciidamo kooban u dirtay magaalada Bangui si ay u difaacaan safaaradooda oo maalinimadii shalay ay wareerareen dad shacab ah oo ka codsanayey Faransiiska inuu soo faro geliyo arrimaha dalkaasi oo ay horjoogsadaan ciidamada mucaaridka oo kusoo socda magaalada.

Dowlada Faransiiska ayaa illaa iyo hada sheegin inay ka hortagi doonto ciidamada Jamhada ama ay faraha la geli doonto xiisada dalkaasi ka taagan. Dalka Bartamaha Afrika ayaa sanadkii 1960kii xoriyada ka qaatay dalka Faransiiska waana dal qani ku ah macdanta sida Uraniumka, dahabka iyo Daimondka. Hase yeeshee dalkaasi ayey horey marar badan uga dhaceen inqilaabyo militari.

______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved