Qardho Oo Qado-sharaf Loogu Sameeyey Ergadii Dhawaan Laga Soo Ceshay Garowe

Thursday 27 December 20120 comments



Ergooyinkii ku sugnaa caasimadda Puntland ee Garowe ayaa halkaas isaga dareeray, kadib markii maamulku amar cad ku siiyey in ay magaalada isaga baxaan haddii kale iyagu masuul ka yihiin wixii qabsada.

Ergooyinkan oo gaaraya ku dhawaad 50 ergay ayaa ka kala yimid gobolada Mudug, Bari iyo Karkaar, waxaana ay sheegeen in ay halkaas u tageen in ay ku qabsadaan shir ay uga hadlayaan xaaladda Puntland ee khilaafku ka taagan yahay.

Maamulka Gobolka Nugaal ayaa sheegay in ergadan cid ay metalaan aysan jirin isla amrkaana ula dhaqmaayo sida kuwa isbaarada dhigta ee loo yaqaan Jirida.

Qaar kamid ah ergada ayaa la xirey kuwaas oo qaarkood weli ku jiraan Xabsiga garowe iyaga oo aan wax maxkmad ah la geyn laguna soo oogin denbi ay galeen.

Sidoo kale ergooyin ka yimid gobolka Bari ayaa dib looga ceshey Kantroolka Garoowe iyaga oo qaarkood dhaawacyo soo gaareen waxaana ciidanku geeyeen illaa degmada Dangoroyo, ergadaas ayaa weli ku sugan magaalada Qardho.

Ergada ayaa soo saarey BAAQ isla markaana la hadley dhamaan bulshada caalamka, waxaana ay ku badda dhinac dhigeen isimadii Puntland dhisey in ay soo dhexgalaan xaaladda hadda taagan, taas oo aan muuqan in Isimadu soo dhexgalayaan.

Dhanka kale waxaa magaalada Qardho ku sugan inta badan Ergooinkii Garowe ka yimid marka laga reebo ergadii Mudug, waxaana maanta qado sharaf u sameeyey waxgaradka magaalada Qardho.

Qado sharaftan oo ay soo qaban qaabiyeen odayaasha iyo Nabadoonada magaalada Qardho ayaa waxaa kasoo qeyb galay ergooyinkii ku sugan magaalada Qardho, iyagoo sheegay in ay sii wadi doonaan dadaalka ay ku doonayaan in xal laga gaaro murrana siyaasadeed ee xiligan ka jira deegaanada Puntland.

Gadaal baan idiinka soo gudbin doonaa haduu eebo idmo, warbixin faah faahsan oo ku aadan qado-sharafta maanta loogu sameeyey magaalada Qardho ergooyinkii dib uga soo noqday magaalada Garowe.

______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved