Waa Sidee Dareenka Gabadha Gudan ? (Fariin Iyo Warbixin Aqriso )

Thursday 27 December 20120 comments



Gabadha gudan dareenkeeda galmo wuu ka hooseeyaa gabadha aan gudnayn, gabadha gudan lama raaxaysan karto ninkeeda, waayo waxay ku raaxaysan lahaydba malaha, gabadha gudan dareenkeedu waa mid aad u qabow sidaa darteed ayuu ninkeedu ula guursadaa mid kale. Gabadha gudan dareenba malaha, waa sidii neef la dhufaanay.

Hadaladan iyo kuwo kasii badan oo aanan halkan kusoo koobi karin waa hadalo dhagta loogu riday gabadhkasta oo gudan, meelkasta oo ay tagto waxaa uga sii horeeya hadaladaas.

Maalinta uu yimaado calafkeeduna waa maalinta ugu cabsi badan ee soo marta, waayo waxay iska sii dhaadhicisay ama maskaxda looga sii buuxiyey dareen galmo ma lihid ama wuu kugu yaryahay oo marna si fiican u raaxaysan maysid noloshaada, maalinta aad uur yeelatana ku talo gal in lagu jarjari doono oo silic iyo darxumo ay ku sugayso.

 Gabadh intaasoo hadala iyo kuwo kasii argagaxbadan maskaxda looga sii buuxiyey sidey ula raaxaysan kartaa ninkeeda oo ay dareen uyeelan doontaa.

Waxa tan kasii daran wiilka soomaaliyeed ee isna maskaxda loogu sii riday hadalo aan u wanaagsanayn gabadhan uu guursaday. Waxaa laga dhaadhiciyey isagana in gabadha uu guursanayo uu isagu gudniinka ka furo, waayo hadii uuna isagu ka furin muxuu ku ogaanayaa in gabadhu ay hore usoo martay sheeko kale. 

Iyadana waxaa laga dhaadhiciyey in hadii guurka kahor ay dhakhtar sii tagto in ninku ka shakin doono. Xanuunka habenkaas sugaya dartii wuxuu ku beeraa gabadhkasta oo gudan in ay aad uga sii cabsato galamada ama ayna niyadba u qaban taasina waxay keentaa dareenkeeda oo noqda mid qabow.

Gabadha gudan bikradeedii waxaa laga dhigay tolmo ku taala xubinteeda taranka, oo ninku marka uu arko tolmahas wuxuu ku qancaa inuu isagu yahay NR1.
Qof jidhkiisa la tolay ugu yaraan 10 ama 15sano kahor sidii loo tolayna uu Ilaahay swt xaalkeeda uu ogyahay xanuunkii, cabsidii iyo argagaxii loo geystana ay iyada kaliyi ka sheekayn karto, qofka sidaa loo soo geystay marka la dhahay jidhkeedii hadana xanuun iyo silic kale halagu furo. 

Habeenka u horeeya intaan la gaadhinba waxaa maskaxdeeda kusoo noqda xanuunkii ay soo martay markay yarayd iyo silicii soo gaadhay waagaas.

Gabadha intaasoo dhiba loo soo geystay intaasoo dhago ku hadal ahna lasoo mariyey, maskaxdeediina sidaa loogu soo ciyaaray ee hamigeedii iyo dareenkeediina laga soo dilay, sidee ayuuna dareenkeedu u qaboobayn. 

Ninka laga soo dhaadhiciyey xaaskaaga xoog ku kala fur habeenka u horeeya ee aan u naxariisan gacalisadiisa sideebuu u sugaa inay la mid noqoto gabadh aan soo marin waxa ay soo martay miskiintani, ama siduu ugu tuhmaa dareen male.

Ugu danbeyn bulsha waynta soomaaliyeedeey Ilaahay ka cabsada oo wixii silic loo soo geystay iyo argagax nolosheeda miskiintan ugu naxariista oo xaqiraada iyo dhago ku hadalka kadaaya oo nafsiyadeeda ha dilina sidaad usoo disheen jidhkeedii.

______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved