Mid kamid ah Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ee Caanka ah oo Maalintii Labaad ku Xiran Xabsi aan La ogeyn

Thursday 27 December 20120 comments



Sheekh Xassaan Xuseen Aadam oo kamid ah Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ee caanka ah kuna nool Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa maalintii labaad kujira Xabsi ay leeyihiin Ciidamada Kenya.

Wadaadkan ayaa habeen kahor waxa ay Ciidamada amaanka Kenya kala baxeen Maktabad uu wax ku aqrisanayay iyadoona xiligaasi kadib aan war laga helin halka ay ula dhaqaaqeen Ciidamada Kenya iyo goobta ay wadaadka ku xireen.

Sheekh Xasaan ayaana mid kamid ah Masaajida kuyalaa xafada Islii ka aqrinayay kutub ay ku xirnaayeen dad fara badan iyadoona wali jameecadii ku xirneed Wadaadka isweediinayaan halka lala aaday iyo sida xaalkiisa uu yahay.

Wadaadkan ayaan si aan warar hoose ku helnay waxaa lagu eedeenaaya in uu taageero Dagaalyahanada Al-Shabaab ee dagaalada kawada gudaha Soomaaliya iyadoona Sheekh Xasaan iyo culumo kale oo Kusugan Magaalada Naiorobi ay dhoor mar hadalo ay isku durayaan isku dhaafsaday masaajida ay Kutubka ku aqriyaan.

Hay’adaha Amaanka Kenya wali wax war ah kama aysan soo saarin xariga wadaadkan loo badinayo in ay ugeesteen Ciidamada Kenya iyo sababaha rasmiga ah ee loo heesto , mana ahan markii ugu horeesay oo Sheekh Xasana Xabsiga la dhigo marar kala duwan ayaana sidan oo kale loo xiray dibna laga soo daayay.

______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved