Lamaane Facebook Isku Bartey Oon Weli Is Arkin Oo Arooskooda Uu Meherkooda Uu Muqdisho Ka Dhacay (Cajiiib)

Thursday 27 December 20120 comments


Magaalada Muqdisho waxaa Maanta ka dhacay Meherka Lamaane aan weli isha isa saarin, kuwaasi oo manta si weyn loo hadal hayo.

Lamaanahan ayaa la sheegay in ay isku barteen facebook-ga, ayagoo labo dal kala jooga, ayna mudo xiriir sameynayeen, kaasi oo markii dambe ay go’aansadeen in ay ku soo afxiraan in ay is mehersadaan.

Lamaahan ayaan weli weji ka weji aan isaga hor imaanin, inkastoo muuqaal ahaan internetka ay iska arkeen, kuna sheekeysteen wax badan.

Inkastoo Hadal rasmi ah oo ku aadan habka xiriirkooda uu ku sameysmay iyo sida ay ku suuro gashay in ay is mehersadaan aysan labadaba bixin, hadana arrintan ayaa in badan oo dadkii maqley ah aad uga yaabisay.

Dadka qaarkood ayaan ku baraarugsaneyn in ay suuro gal noqon karto in laba qof ay iska baran karaan Social Network-ka, ayna ugu dambeyn guur ku heshiin karaan.
______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved