Ciidamada Dowlada oo Maanta Howlgalo ay hubka kala wareegayeen dadka aan Dowlada katirsaneen Muqdisho kasameeyay

Thursday 27 December 20120 comments



Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa maanta Howlgal hubka sharci darada ah kula dagaalamayeen waxa ay kasmeeyeen qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho iyagoona gacana ku dhigay tiro hub ah.

Howlgalka ayaa xoogiisa waxaa laga sameeyay wadada Maka Al-Mukarama iyadoona Ciidamada ay gudaha u galayeen xarumo lagu ilaalinayay hub aan sharciyeesneen kadibna kala wareegeen hubka.

Goobaha ay Maanta Ciidamada Hubka ka qaateen waxaa kamid ah Isbitaalka Daaru Shifaa oo kuyala tree Biyaano halkaas oo laga qabtay hubkii Isbitaalka lagu ilaalinayay iyo hub kale oo iyana lagu heestay agagaarka Isibaalka.

Ciidamada ayaa sidoo kale hubka ka qaadayay dadka aan wadan dareeska Ciidanka ee lugeenayay ama gawaarida sarnaa iyadoona Howlgalka inta uu socday la arkayay rag aan darees Ciidan wadan oo hub wata oo ka baxsanayay halka ay ciidamada howlgalka kawadeen.

Dhawaan ayey aheed markii Wasiirka Arimaha gudaha iyo amniga qaranka uu ka dhawaajiyay in Muqdisho laga uruurin doono hubka sharci darada ah ee lagu dhax isticmaalo kuwaa uu sheegay in falalka amaan daro ee Magaalada kadhaca iyaga lagu geesto.

______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved