Dumar Badan oo laga cabsi qabo in ay adaan Konfur Afrika sababtu maxay tahay???

Thursday 27 December 20120 comments



Dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Konfur Afrika ayaa si weyn uga cabanaya qiimaha guurka ee dalka ay haatan ku sugan yihin, kaddib markii dumarka halkaas jooga ay sheegeen in aysan awoodin in ay madaxooda ku dhiibaan qiima hoose.

Ragga Soomaaliyeed ee ku nool dalka Konfur Afrika ayaa la wada og yahay in ta badan in ay yihiin kuwo halkaasi kala kulma dilalal iyo dhac loo gaysto hantidooda, taas oo loo sababeeyo in ay lacag ka raadiyaan meelo halis ah, taasina ay keenatay in ay ku guurwaayaan madaama dumarka dalkaasi tagay ee Soomaalida ah ay sheegeen in aysan ku noolaan karin nolasha ragaasi ku nool yihiin oo ay kow ka tahay in ay seexdaan dukamadooda dhexdooda oo aan xataa qaar Musqul alahyn sida aad ka arki doontaan muuqaalka VIDEO laga soo duubay.


Dumarka dalkaasi tagay ayaa sidoo kale ku andacoonaya in ay dalkaasi ku tageen lacag aad u fara badan, taas oo ay ku soo qarashgareeyeen waalidkood sidaas darteedna aysan si sahal ah madaxooda ku dhibayn ilaa iyo laga siiyo lacagtii ay ku yimadeen dalkaas mooyee!!

Arrintan madax adayga dumarka ku nool Konfur Afrika ayaa laga yabaa in ay dhabaha u furto dumar badan oo iminka ku guur la’a magaalada caasumada u ah dalka Kenya ee Nairobi, kuwaas oo dhoof sugayaal, balse hadii ay arrintan arkaan laga yaabo in ay ka faa’iideystaan fursada guurdoon ee taala dalka Konfur Afrika iyo Wiilasha yar yar ee shaqeysta ee xujadii xayirtay-

Halkaan ka daawo



______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved