Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya oo Goor Dhaw Booqasho ku Tagay Magaalada Kismaayo

Thursday 27 December 20120 comments



Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya oo maanta u ambobaxay Magaalada kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Wefdi ka socda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya uu hogaaminayo Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka C/kariim Xuseen Guuleed ayaa saakay oo Khamiis ah booqasho ku tagay Magaalada Kismaayo.

Wafdigan ayaa waxaa kamid ah Wasiirka Difaaca Soomaaliya c/Xakiim Maxamuud xaaji Fiqi ,Wasiirka Garsoorka iyo arrimaha Diinta cabdullaahi Abyen Nuur,Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaarsiinta C/llaahi Ciilmooge Xersi,W.ku xigeennada Gaashaandhigga iyo Warfaafinta,Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka iyo saraakiil kale.

Wefdiga ka socda DF Soomaaliya ayaa ujeedkiisa lagu sheegay inay ukuur galayaan xaaladda magaalada Kismaayo iyo qaabka ay ku shaqeynayaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa Kenya ee AMISOM qeybta ka ah.

Masuuliyiinta Dowladda Soomaaliya ayaa garoonka Diyaaradaha Kismaayo waxaa kusoo dhaweeyay Saraakiisha Ciidamada Dowladda,AMISOM iyo Maamulka KMG-ka ah ee ka jira Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose waxeyna salaan sharaf ka qaateen Cutubyo ka tirsan Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Wasiirrada ayaa la filayaa inay Wadatashiyo ku saabsan maamul u sameynta Jubbooyinka la yeeshaan waxgaradka ,Odeyaasha iyo aqoonyahannada ku sugan Kismaayo.

Sidoo kale waxa ay Masuuliyiinta warbixin ku saabsan amniga ka dhageysteen Saraakiisha AMISOM iyo Soomaalida ka holgasha Jubbada Hoose iyadoo ay Wasiirradu soo booqan doonaan qeybaha kala duwan ee Magaalada sida dekadda iyo Suuqa Magaalada Kismaayo.

Lama shaacin illaa iyo xilligaan mudada ay qaadaneyso booqashada Wasiirada ka socda Xukuumadda ee Gobolka Jubbada Hoose.


______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved