Xashiishkii & Daroogadii Abid ugu Faraha Badneeyd kana Timid Dalka Marooko oo Lagu Qabtay Caasimada..++(Video).

Friday 28 December 20120 comments



Koonfurta magaalada Madrid ee caasimada dalka Spain gaar ahaan xaafada Toledo ayaa weli kacsan ka dib markii halkaas lagu soo qab qabtay Xashiishkii iyo Daroogadii ebid ugu faraha badneeyd ee lagu qabto mid ka mid ah Caasimadaha dalalka Yurub.

Daroogadaan iyo Xashiishkaan ayaa waxaa loo soo xiray Ragii daabulayay oo ka koobnaa 35 ruux waxaana Muqaadaraadkaan laga keenay dalka Marooka kaas oo si toos ah ugu socday dalalka Faransiiska, Ingiriiska ,Holland iyo Beljemka sida ay sheegeen ciidamada Booliiska dalka Spain.

Hadal heeynta ugu badan dalka Spain ayaa noqotay Daroogadaan gacanta lagu soo dhigay waxaana sidoo kale ragii dhoofinayay lagala wareegay 14-Gaari iyo Lacag lagu sheegay 100.000 oo Euro kuwaas Lacagta ku doonayay in ay Xashiishkaan ku kala gaarsiiyaan dalalka kale ee Qaarada Yurub.

Halkaan ka Daawo Mucjisada Xashiishkaan faraha badan ee ku soo jeeday Yurub oo idil





______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved