Dowlada Koonfur Afrika oo ku wareertey Baasaboorka saxda ah ee Dalka Soomaaliya iyo Somalida oo ka cabanaya++(Video)

Friday 28 December 20120 comments


Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa la sheegay inay cabasho weyn ka muujiyeen ka dib markii ay dowlada dalkaas ay u diiday Soomaalidaas inay ka dhoofaan dalkaas oo ay dib ugu noqdaan dalkooda hooyo maadaama dowladaasi ay ku wareertey baasaboorka saxda ah ee dalka Soomaaliya.


 Dowlada Koonfur Afrika oo mar marsiiyo ka dhiganeyso inay ku wareertey is dhex yaaca baasabooro kala duwan iyo dukumentiyo ay Soomaalida wadato ayaa waxaa la sheegay inay is hortaagtey muwaadiniin Soomaaliyeed oo damacsanaa inay dalkaas kaga dhoofaan baasaboor Soomaali ah oo ay u kicitimaan dalkooda hooyo, dowlada Koonfur Afrika ayaa waxay sheegtay inaysan Soomaalida ka dhoofi karin ilaa ay hesho safaarad xaqiijisa oo kala saarta baasabooradaas kala duwan ee is dhexyaacaaya ee ay dadka Soomaaliyeed kala wataan, dadka Soomaalida oo ay qaar wataan E baasboorka ayaa waxaa kale oo jira Soomaali wadata baasaboorkii cagaarka ahaa ee ugu dabeeyey dowladii hore ee Soomaaliya, Soomaalidaan loo diiday inay ka dhoofaan garoonkaas ayaa waxay cabasho u direen inay dowlada Saoomaaliyeed wax ka qabato arintaas islamarkaana ay dadajiso howl galinta safaarada Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika.


Ugu dambeyntiina iyadoo dadka Soomaaliyeed ay la soo daristay arintaas ka timid shaqo xumida wasaarada arimaha dibada ee Soomaaliyeed oo ay dadkaas u xayiran yihiin howl gudasho la'aanta wasaaradaas ayaa sidoo kale waxaa kol hore ay laant dambi baarista ee dalkaas Koonfur Afrika ay horey ugu eedeysay inuu baasaboorka Soomaaliyeed uu yahay mid aad u sahlan oo si fudud uu u qaadan karo qofkasta oo rabo inuu qaato oo si sahlan loogu iibiyo suuqa madow, dadka Soomaaliyeed oo horey uu dhib weyn ugu heystey dalkaas Koonfur Afrika oo mar walba loogu geysan jirey dil iyo dhac hantidooda ah ayaa tanina waxay ka mid noqoneysaa dhibaatooyinka cusub ee foodsaarey soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrik

Daawo Muuqaal ahaan Dowlada Koonfur Afrika Arinta ay ku Kacayso




______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved