18 Soomaali tahriib ah oo ku dhintay Libya

Friday 28 December 20120 comments


Sanad walba tobanaan Soomaali ah
ayaa ku dhinta xeebaha dalka Libya
Sideed iyo toban Soomaali tahriib ah ayaa dhintay, in ka badan labaatanna waa ay ku dhaawacmeen meel u dhaw magaalada Misrata ee dalka Libya kadib markii baabuur ay ku safrayeen uu la qalibmay.

Danjiraha Soomaaliya u jooga dalka Libya, Cabdiqani Maxamed Waceys, ayaa HMN u sheegay in baabuurka ay dadkaasi Soomaalida ku safrayeen ay sidoo kale saarneyd shamiinto.


Gaariga, ayaa waxa uu waday ilaa 120 Soomaali tahriib ah oo u socday xeebaha dalka Libya, si ay halkaasi uga sii tahriibaan qaaradda Yurub.

Sanad walba tobannaan kun oo Afrikaan tabriih ah ayaa u safra dalka Libya iyo dalalka kale ee ku yaal waqooyiga Afrika, iyaga oo rajeynaya inay ka gudbaan badda si ay u gaaran Yurub.

______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved