Nabadoon Xalay Lagu Dilay Magaalada Gaalkacyo

Friday 28 December 20120 comments



Waxaa Xalay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug lagu dilay mid kamid ah Nabadoonada gobalka oo lagu magacaabo Gaboobe Aaden Dalab. Allaha u Naxariistee Marxuumka ayaa kasoo baxay masaajidka salaadii Cishe kadib waxayna koox hubeysan ku dhex toogteen xaafada Israac ee Waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Ehelada Marxuumka ayaa u xaqiijiyey Hablaha Media geerida Marxuumka oo la sheegay inuu dhaawac culus kasoo gaaray weerarkan kadibna uu ku geeriyooday Isbitaalka magaalada Gaalkacyo oo dhaawaciisa loola cararay.

Ma jiraan cid dilkan loo soo qabtay, wuxuuna dilka kusoo beegmayaa xili muddooyinkii lasoo dhaafay ay magaalada Gaalkacyo ka nasatay falalka dilalka qorsheysan ee lala beegsanayey dadka waxgaradka iyo Nabadoonada magaalada Gaalkacyo.

Allaha u naxariistee Nabadoonka ayaa kamid ah xubnaha sida weyn looga yaqaan magaalada Gaalkacyo.


______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved