Xarakada Al-Shabaab oo ciidamo badan oo kala dhax dhigtay Beelo dhawaan dagaalamay+( Daawo Sawirada)

Friday 21 December 20120 comments



Maamulka Xarakada Al-Shabaab ee Gobolka Galgaduud ayaa ku guuleestay qaboojinta dagaal u dhaxeeyay labo Beel oo walaalo ah oo dhawaan ka dhacay Deegaano katirsan Gobolka Galgaduud.

Al-Shabaab ayaana ciidamo tiro badan kala dhax dhigay labada Beel ee Duduble iyo Saleemaan oo ku dagaalamay Deegaanka Baadiyaha ah ee Miiraanyo iyo deegaano kale oo ku dhaw dhaw halkaas oo xiligana lagu arkayo Ciidamada Xarakada katirsan oo tiro badan.

Ciidamadan la dhigay Deegaanada lagu dagaalamay ayaa ah kuwa aad u hubeesan kuna dadaalaya joojinta dagaal mar kale dhax mara laba beelood iyagoo sidoo kale Xarakada Shabaab halkaasi kawadaan in ay u kala dabqaadaan odayaasha labada dhinac ee dagaalamay.

Wadahadal ay garwadeen ka ahaayeen Xarakada Al-Shabaab ayaa horseeday in Odayaasha labada beel ee dagaalamay ay kuy heshiiyaan xabad joojin sidoo kale la xaliyo waxyaabaha kale ee keenay in labada dhinac dagaalamaan dhiig badana uu ku daato dagaalkaasi.
Daawo Sawirada


















______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved