Gabar Soomaaliyeed Oo Dhahday"Waxa Diyaar U ahay In Aan ILLAH Dar Tiis U Dhinto" Oo Hadalkasi Dartii Xabsi Ugashay+(Vedio)

Friday 21 December 20120 comments



Booliiska magaalda Nashville ee dalkaas Mareykanka ayaa waxaa la sheegay inay xabsiga dhigeen haweeney Soomaali ah oo ku nool magaaladaas ka dib markii ay haweeneydaas lagu soo eedeeyey isku day argagaxisinimo xili ay haweeneydaas aysan sameyn fal aan ahayn inay afka un ka hadashey oo ay sheegtey inay dad leyneyso.

Haweeneydaan Soomaalid ah oo lagu magacaabo Amal Axmed Cabdullahi oo 29 sano jir ah oo ka tirsanaeyd shaqaalaha shirkada CEVA Logistics ayaa waxaa la sheegay in lagu soo eedeeyey isku day argagaxisnimo iyo inay taageero weyn u heyso argagaxisada, haweeneydaan oo ay ashtako ka bixiyey mid ka mid ah shaqaalaha shirkadaas oo ay wada shaqeynaayeen ka dib markii ay is dhaafsadeen dood ku saabsan xaga diinta iyadoona ay haweeneydaan sheegtay inay tahay qof muslim ah islamarkaana ay u shahiideyso ilaah dartiis oo ay nolol fiican oo qiimo lehna u dambeyso, Sidoo kale ayey haweeneydaan waxay ugu hanjabtey dadkii la shaqeynaayey inay wanaagsanaan lahayd in kuligood la laayo maadaama ay gaalo yihiin, haweeneydaan ayaa waxaa la sheegay inay sidoo kale ay sheegtay in dalka Mareykanku uu si dhaqso ah u noqon doono wadan muslin ah, Laakiin arinta cabsida weyn galisay shaqaalahaas ayaa waxay ahayd ka dib markii ay haweeneydaas sheegtay inay qori soo qaadan doonto oo ay dhamaantood toogan doonto.


Daawo Muuqaal ahaan Yaabkaan Adaa Yaabayee




______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved