Waa Kuweee? Labada Fanaan Ee Fanka Soomaaliyeed Ugu Xishoodka Badan Halkaan ka Baro

Friday 21 December 20120 comments



Fanaaniinta kala ah Xaawo kiin iyo Hodan C/raxmaan ayaa ah labada fanaan ee ugu xishoodka badan Fanaaniita hablaha ah ee fanka ku jira.

Labadaan fanaan ayaa ka duwan fanaaniinta hablaha ah ee ku jira fanka Soomaaliyeed waxaana inta badan lagu arkaa marka ay heesaha ay qadayaan in ay madaxa dabooshaan iyo waliba in si fiican ay u fiirin karin kaamirada markaas lagu duubayo.

Fanaanada Xaawo Kiin ayaa waliba inta badan iska dhigin qamaarka madaxa u saaran waxayna inta badan jeceshahay fanaanada in ay asturato madaxa lakiin jirka intiisa kale ma gaarsiiso asturaada.

Sido kale Hodan C/raxmaan ayaa madaxa daboolato heesaha qaar walow aysan sida Xaawo kiin mar walba qamaarka maxaxa u saarneen lakiin marar badan ayay heeso ku qaaday iyada oo maxada u daboolan yahay fanaanada Hodan.


Labadaan fanaan ayaa ah labo fanaan oo fanka dhawaan soo galay lakiin waxay durba magac ku dhax yeeshayn Bulshada Soomaaliyeed. waxaana la dhihi karaa labadaan fanaan si aad u fudud ayay fanaka meel sare uga gaareen.






______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved