Xiddiga Man City Yaya Toure Oo Ku Guuleystay Laacibka Sannadka 2012 Ugu Fiican Qaarada Afrika

Friday 21 December 20120 comments


Ciyaaryahanka kubadsameeyaha Ivory Coast ayaa ku hogaamiyay xulkiisa finalkii koobka qaramada Afrika oo ay ka qaaday Zambia sannadkan 2012.
Toure ayaa sidoo kale ka caawiyay kooxda Manchester City xilli ciyaareedkii hore inay ku guuleystaan Premier League markii ugu horeysay muddo 44 sanno ah.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa sidoo kale qaab ciyaareedkiisa wanaagsan ku riyaaqaya xilli ciyaareedkan isagoo dhaliyay lix gool 23 kulan oo uu ilaa iyo haatan saftay, isagoo sidoo kale kabtan u ahaa kooxdiisa inta uu maqan yahay Vincent Kompany.
Abaalmarinada kale ee la bixiyay:

Xulka qaranka sannadka – Zambia

Xulka qaranka hablaha ee sannadka – Equatorial Guinea
Zambia’s Rainford Kalaba – TP Mazembe
Zambia’s Stoppila Sunzu  – TP Mazembe


Kooxda
sannadka – Al Ahly
Abaalmarinta ciyaar wanaaga – Gabon Supporters Union
Tababaraha sannadka – Herve Renard
Abaalmarinta xiddiga mustaqbalka leh– Mohamed Salah (Egypt)
Gabadha ugu fiican kubada cagta sannadka – Genoveva Anonma (Equatorial Guinea)
Garsooraha sannadka – Gamal Hymoudy (Algeria)
Abaalmarinta halyeeyada sannadka ee Caf  – Rigobert Song (Cameroon) and Mahmoud El Gohary (Egypt)
Ciyaaryahanka sannadka Afrika, kuwa Afrika ka xamaasha: - Mohamed Aboutreika – Al-Ahly.

Waxaa maalmo sii horeysay sidoo kale la bixiyay abaalmarinta xiddiga sannadka Afrika ee ay bixiso BBC waxaana abaalmarintaas ku guuleysto Katongo oo ah kabtankii xulka Zambia ku hogaamiyay koobka qaramada Afrika.


______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved