War deg-deg:-Nabadoono ku sugnaa magaalada Garoowe oo Hotelkoodi laga la baxay

Saturday 22 December 20120 comments


Nabadoon Yaasiin Cabdisamad

War deg-deg ah oo soo gaarey warbaahinta Hablaha ayaa sheegaya in saacaddu markey ahayd  abbaarihii 19:40 daqiiqo, saddex gaari oo ciidamo ah ay yimaadeen hotelka ay deganaayen qaar kamid ah ergooyinkii gobolada Puntland ka yimid kuwaas oo u tegey magaalada Garowe in ay ka wada tashadaan xaaladda Puntland ee sii cakiran.

Nabadoon Yaasiin Cabdisamad oo ka mid ahaa nabadoonada gobolka Mudug ayaa lagala baxay Hoteelkiisi waxaana ka xaystey ciidanka amaanka, kuwaas oo aan la ogeyn halka ay la’aadeen,  Sidoo kale warka ayaa intaas ku daraya in Saddex nabadoon oo kamid ahaa nabadoonadii magaalada Bosaso oo dhawaan sidaan oo kale looga kaxaytsey Hoteelkoodi in iyaga mar kale lagala baxay Hoteelkoodi isla markaana aan la garanayn halka lala aadey.

Hadda: War hadda warqabadka Hablaha ku soo dhacay ayaa sheegaya in saddex kamid ah nadoonada caawa la kaxaystey oo kala ah: Nabadoon Maxamed Shoobe Afcase, Caaqil Sahal Cabdislaaan Yuusuf Faahiye
Caaqil Maxamuud Maxamed Shirwac, dib loogu soo celiyey Hoteelkoodi, waxay sheegeen in sidii hore oo kala wax laga qorey laakiin markaan amar lagu siiyey in ay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland isaga baxaan sida ugu dhakhsiyaha badan.

La bixitaanka nabadoonada ayaa ku soo beegmaya iyada oo maanta shir ay wada qaateen qaar kamid ah ergooyinka nabadoonada iyo waxgaradka isugu jira iyo maamulka Gobolka, inkasta oo shirkaas la isku afgartey in kulan kale la isugu yimaado, ayaa Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Cabdi Xirsi (Qarjab) warbaahinta u sheegay in nabadoonada u ula dhaqmaayo sida loola dhaqmo Jirrida isbaarooyinka sharci darrada ah dhogta waddooyinka.

Mid kamid ah ergooyinka ayaa Hablaha u sheegay in maamulka degmada iyo kan gobolka ay isku wanaagsanaayeen ka hor maanta si fiicana u wada hadlayeen, laakiin ay war ahaan ku maqleen in uu magaalada yimid Curadka Madaxweynaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Faroole oo awood badan kuleh maamulkan waxaana Ergaygaani noo sheegay in uu wax weyn ka beddalay maamulka isla markaana haddii ay sidaas maamulku u dhaqmaan ay waxbadan halaysamayaan, Puntland ay u baahan tahay xal iyo bad-baado ee aysan u baahneyn in awood la isu isticmaalo, taas oo aan xal keenayn.



______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved