DEG DEG: Digniin Laga Bixiyey Duufaan Laga Cabsi Qabo Inay Ku Dhufato Xeebaha Puntland

Saturday 22 December 20120 comments



Muqdisho (HMN) Saadaal dhanka hawada ah oo laga heley khubarada dhanka saadaasha ee militariga Mareykanka ee ku sugan xeebaha Soomaaliya ayaa muujineysa in ay u badan tahay in duufaanta nooca kuleylaha ee “lambarkeedu yahay 4” inay ku dhufato xeebaha waqooyiga bari Soomaaliya 25/12/2012 oo ku beegan maalinimada Talaadada ee soo socota.

Saadaashan oo ay si wadajir ah u bixiyeen mid ka mid ah maraakiibta ciidamada badda Mareykanka iyo waaxda saadaasha cirka ee ciidamada cirka, ayaa muujineysa in habeenimada 25-ka Disembar oo ku beegan Talaadada abaare 12:00 saqda dhexe ay duufaantaasi ka soo bilaaban doonto xeebta Badweynta Hindiya ee degmada Eyl ee gobolka Nugaal.

Xogta saadaasha ayaa sheegeysa in duufaantan oo ah nooca wadamada kuleylaha “Tropical Storm Four”  in dabeysha duufaanta ay ku socon doonto 101 km/h (oo u dhiganta 63 mph).  Waxaana duufaanta ay soo rogi doontaa dabeylo ciid wata oo qaadan doona hal daqiiqo.



Talaadada abaare 12:00 saqda dhexe ayey duufaantaasi ka soo bilaaban doonto xeebta Badweynta Hindiya ee degmada Eyl ee gobolka Nugaal.

Dadka ku nool xeebaha Badweynta Hindiya gaar ahaan magaalooyinka Eyl, Hobyo iyo Muqdisho ayaa loogu baaqay inay la xiriiraan saraakiisha iyo maamuladooda deegaanka ee qaabilsan dhanka hawada iyo inay muujiyaan taxadar.

Haddii ay soo baxaan warar dheeraad ah Hablaha dib ayey soo sheegi doontaa insha Allaah.
____________________________
AFEEF: Saadaashan ma ahan mid xaqiijin karta in 100% ay u dhacayso sida loo sheegay.  Sidoo kale ma xaqiijineyso i




______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved