Tirada Soomaalida kasoo qaxday Nairobi oo la shaaciyay iyo Safaarada Somalia oo aad Mashquul ah++(Sawiro)

Thursday 27 December 20120 comments


Waxaa sii kordhaya Soomaalida kasoo guureesa Magaalada Niarobi ee Dalka Kenya dibna ugu soo laabanaya Magaalooyinka waa weyn ee Dalka gaar ahaan Magaalada Muqdisho oo dadka ugu badan ay usoo guurayaan .

Safaarada Soomaaliya ee Dalka Kenya ayaa xiligan Mashquul badan laga dareemayaa iyadoona Safaarada ay buux dhaafiyeen Dadka Soomaaliyeed ee dalbanayaa helitaanka Pasaboorka Soomaaliya si ay dib ugu laabtaan Dalkooda Hooyo ee Soomaaliya.

Safirka dowlada Soomaaliya u fadhiya dalka kenya Ambassador Maxamed Cali Nuur Americo ayaa sheegay in maalmihii ugu dambeeyay Magalaada Nairobi ay kalaabteen dad Soomaaliyeed oo ka badan 6-Kun oo qof kuwaa oo dalka dib ugu laabtay.

Safiirka ayaana intaa ku daray in Safaarada ay maalmahan ku mashquulsan tahay in ay u fududeeso dadka Soomaaliyeed ee dalka dib ugu laabanaya si ay u helilahaayeen paasaboorka Soomaaliya iyo waxyaabaha kale ee sahlaya in ay laabtaan.

Safaardaa Soomaaliya ee Dalka Kenya ayaana laga dareemayaa mashquulkii ugu badnaa kadib markii Dowlada Kenya ay amartay Soomaalida qaxootiga ah ee Nairobi kusugan in ay Magaalada ka baxaya taa oo kaliftay in Soomaali badan ay boorsooyinkooda kasoo qaataan Kenya dibna ugu soo laabtaan Dalkooda hooyo oo iminka amaan iyo nolol kasoo iftiintay.

Halkaan Ka Daawo Sawirada










______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved