Daawo Muuqaal Ahaan Wararkii ugu Danbeeyay ee Wafdi isugu jiray wasiiro iyo saraakiil oo uu hogaaminayey wasiirka arrimaha gudaha

Thursday 27 December 20120 comments


Wafdi isugu jiray wasiiro iyo saraakiil oo uu hogaaminayey wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka ee dowlada Somalia C/kariin Xuseen Guuleed oo maanta gaaray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada hoose ayaa kulamo xasaasi ah la qaatay maamulka KMG ah ee magaaladaas.

Wafdiga oo ay ka mid ahaayeen wasiirka warfaafinta, kan cadaalada iyo wasiirka wasaarada Gaashaandhiga, taliyaha ciidamada xoogga Dalka iyo siyaasiyiin iyo xildhibaano ka soo jeeda gobolada jubooyinka ayaa maanta kulanka ay la qaateen maamulka KMG ah ee Jubooyinka waxaa uu ahaa mid albaabada loo laabay oo saxaafadu ay dibeda ka joogtay.

Markii uu soo dhamaaday kulanka ayaa waxaa shir jaraaid si wadajir ah ugu qabtay warbaahinta madaxda labada dhinac waxaana ku horeeyey wasiirka arimaha gudaha iyo amaanka Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed oo sheegay in ujeedada safarkooda kismaayo uu ahaa u kuurgelida xaaladaha magaalada ka jira iyo wadatashiyo ku saabsan qaabka maamul mideysan loogu sameyn karo Jubooyinka.

“Waxaan ka mahad celinaynaa sida weyn ee na loogu soo dhoweeyey Kismaayo, runtiina waxaan ku amaaneynaa ciidamada halkan jooga dedaalka ay ugu jiraan habeen iyo maalin sugida amaanka magaaalada iyo la dagaalanka cadowga” ayuu intaa ku daray wasiirka oo sheegay in dowladu ay hiil iyo hooba la garab joogto shacabka Jubooyinka.

Sidoo kale, waxaa halkaas ka hadlay gudoomiyaha maamulka KMG ah ee Jubooyinka Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo sheegay in maamulka iyo gobolada Jubooyinka ay muddo dheer sugayeen iney u timaado dowlada, ayna ku faraxsan yihiin wasiirada iyo saraakiisha dowlada ee halkaas booqday maanta.




“Ma jirin wax xurguf ah oo dhex tiilay maamulka jubooyinka iyo dowlada waxyaabaha noocaas ah waxaa buun buuniyey saxaafada, waxaana sharaf noo ah maanta inaan ku soo dhoweyno Kismaayo wafdigan balaaran ee ka socda dowlada waana ku faraxsanahay runtii” ayuu intaa ku daray Axmed Madoobe.

Wafdigan ka socda dowlada Somalia ee booqanaya oo ah kii ugu balaarnaa ayaa waxaa la sheegayaa iney caawa ku hoyanayaan markii ugu horeysay magaaladaas, waxayna kulamo gaar gaar ah la leeyihiin caawa madaxda maamulka KMG ah iyo saraakiisha halkaas ku sugan, waxaana wafdigan ay maalinta beri ah guda geli doonaan howlaha ay halkaas u tageen.
Halkaan Ka Daawo

______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved