Shirkadaha Soomaalida iyo Faquuqa Hablaha ay ku hayaan(Warbixin Muhiim ah)

Monday 24 December 20120 comments



iyada oo aduunyada iyo qaabka looga shaqeenaayo ay ku xirantahay hadba wax barashada ruuxa shaqada Codsanaya, ha ahaado rag ama dumar, ayaa Soomaaliya xaaladu taa ka duwantahay, iyada oo aad arkeysid in Shariikdaha ugu hantida badan Soomaalida ay arintaa ka bedelan ay ku howl galaan.

Shirkadaha hantida badan ee Soomaalida waxaa kaalimaha hore uga jira Qolyaha xawaaladaha iyo Bankiyada gaarka loo leeyahay, mana jirto shirkad kamid ah oo ay kahowl galaan haween marka laga reebo qolyaha nadaafada oo aan aheyn kuwa looga baahanyahay in ay qabtaan shaqo ku xiran aqoon, taasna waxaa qasbaya iyada oo aysan jirin Rag Soomali ah oo ku dhiiranaya in ay ka shaqeeyaan nadaafada ee hadii laheli lahaa xitaa waxa ay ku bedelan lahaayeen ragga oo mashaqaaleysiiyeen sababo laxariira iyada oo qadarinta dumarka ay aad ugu yartahay qolyaha hogaamiya dhaqaalaha Soomaalida.

Arintaan waxa ay gaabis weyn gelineysaa hanaanka wax barasho ee dumarka Soomaaliyeed oo hadii ay arkaan kuwii hortooda wax bartay oo shaqooyinka muhiimka ah aan loo'ogoleyn halkaasi tusaale xun kaqaadanaya oo naftuba aysan siineyn in ay waqti sidaa u badan ay wax barasho ku lumiyaan maadaama ay ugu danbeyn uun ay howsheedu aysan noqoneyn mid daraja sare iyo wax barasahdeeda ku xiran.

marka aad tagto xafiisyada Shirkadaha xawaaladaha marnaba isha masaareysid haween u adeegeysa macaamiisha shirkada, hasa yeeshee waa arkeysaa rag da' kasta ah oo shaqada kala wada, hasa yeeshee intaa waxaa wax ka wanaagsan sameya Jaamacadaha dalka, Hey'adaha gudaha ka howl gala, hanoqdaan maxali iyo heer caalami, Qaar kamid ah shirkadaha ISgaarsiinta arintaas oo ladhihi karo waa meesha kaliya ee ay kajirto xoogaa niyad wanaag ah oo dumarka Soomaaliyeed ay qabaan.

Haween wax kubartay dalka oo ay lahadashay Shabakada Allbanaadir.com kadib markii ay kuwareereen shaqo karaajicinta Shirkadaha xawaaladaha ayaa waxaa ay kasheekeeyeen qisooyin cajiib ah oo ay kusoo arkeen intii ay kuguda jireen arintaasi.

Mid kamid ah haweenkaasi oo diiday in magaceeda lashaaciyo ayaa waxa ay tiri, "Waxa uu igu yiri mid kamid ah agaasimayaasha shirkadaha xawaaladaha oo aan codsi u geetay (Innag haweenka hal shaqo ayaan uheynaa, waana in aan guursanno ee hadii aad diyaar u tahay soo dhawwo)".
Gabadhaas Soomaaliyeed ayaa waxa ay ku warantay in markii eraygaasi lagu yiri ay si aad ah uga carootay oo ay ka shalaayday waqtiga dheer iyo daqliga ay iska gelisay wax barashada, maadaama aysan qadarin kuheysan.

Dalka Soomaaliya guud ahaan haweenka kusugan qadarin sidaa ubuuran kuma heysan jirin hasa yeeshee wixii kadanbeeyay markii laga soo gudbay kumeel gaarkii hada waxaad u moodaa in sidii hore ay xaaladu karoontahay, hasa yeeshee lama oga sida ay waqti dhaw suuragal kunoqon karto in xafiisyada muhiimka ah ay haweenka iyo ragga ay ugu sinaan karaan derajada ay aqoontooda gaarsiiso.



______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved