War Deg Deg ah: Dibad baxayaal xoog kugalay xarunta goblka Mudug ee Puntiland iyo maamulkii gobalka oo halhaleel uga baxsaday.

Monday 24 December 20120 comments



wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in mudaaharaadayaal ka careysan xariga lagula kacayo nabadoonada Puntiland iyo waliba muda kororsiga Faroole ay maanta dibad bax balaaran ka dhigeen gudaha magaaladaasi.

Mudaaharaadka oo ay abaabuleen odayaaha dhaqanka ee xariga raafka ah ee maamulka Faroole ka bad baaday ayaa waxa uu wali kasoconayaa waqooyiga Gaalkacyo iyada oo wararku sheegayaan in dadka ka qeyb qaadanayay dibad baxa ay xoog ku galeen xarunta gobalka qeybta Puntiland ay kataliso.

Wararku waxa ay intaa ku darayaan in gudoomiya gobalka u qaabishan Faroole si dirqi ah looga bixiyay xarunta gobalka kadib markii loo taag wayay dibad baxayaasha oo ku qeylinayay erayo ka dhan ah maamulka Cabdi Raxmaan faroole ee kuhaminaya in uu waqti dheeraad ah oo sharcigu uusan u ogoleyn uu sii hogaamiyo bulshada Puntiland.

Dibad baxayaasha oo aad u tira badan ayaa waxa ay xilligaan ku suganyihiin garoonka kubada Cagta ee Gaalkacyo, iyaga oo erayo ka dhageysanaya odayaasha dhaqanka ee hor boodaya dibad baxa ka dhanka ah Faroole iyo xarigga uu ku hayo odayaasha dhaqanka ee diidan afkaartiisa xukun jaceykla ah.

Si kastaba, dibad baxaan ayaa waxa uu imaanayaa xilli Cabdi Raxmaan Sheekh Maxamuud Faroole uu xarig kula dhaqaaqay odayaasha dhaqanka Puntiland kadib markii ay diideen hamigiisa ku aadan xil ku dheganaanshaha, waxaana xabsiyada Garoowe ee gobalka Nugaal buux dhaafiyay odayaal gaashaanka udaruuray rabitaanka hogaamiyahooda.


______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved