Soomaalida Norway Oo Furtay Masjid Weyn Oo Aad U Qurux Badan Isla Markaana Ku Baxay Qarash Aad U Fara Badan Iyo Culumo Caan Ah Oo...

Monday 24 December 20120 comments



Shacabka Somaaliyeed gaar ahaan kuwooda ku nool dalka Norway ayaa waxa ay ku jiraan farxad iyo reeyn reeyn ka dib markii ay u rumooday Riyadii ay in mudo ah ku soo jireen. Soomaalida ayaa ka furatay magaalada Oslo ee casimada dalka Norway Masaajid casri ah oo ka kooban 6-Dabaq.

Masjidkaan oo loogu magac daray Towfiiq Islamic Center waxaa ku baxay Qarash lagu sheegay 55 Milyan oo Lacagta Karoon-ka dalka Norway ah una dhiganta 9 Milyan & 100 kun oo Dollar-ka Mareeykanka ah.

Furitaankii Masjidkaan Quruxda badan ayaa waxaa laga dareemay guud ahaan magaalada Oslo ee caasimada dalka Norway. Culumada ugu caansan Soomaalida Qurbaha gaar ahaan kuwa ku nool dalka Norway iyo Muslimiin kale oo aan Soomaali aheeyn ayaa lagu casumay furitaankii Masjidkaan waxaana qeeybaha hoose ee Masjidkaan la soo buux dhaafiyay Cunto dhoor nuuc ka koobneed oo loogu tala galay Marti sharaftii Masjidka soo camirtay.

Masjid 6-dabaq ah oo laga furo mid ka mid ah dalalka Yurub ugu caansan ma ahan wax sahal ah balse Riyadaan waxaa ka dhabeeyay Soomaalida dalka Norway gaar ahaan kuwa caasimada Oslo oo kheeyrkaan geed dheer iyo mid gaabanba u koray.

                              DAAWO SAWIRADA












______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved