Shaash Saar!!! Reer Guura iyo Gabar Timo Tidcani Waa Waxa Dhulkeena u Gaaraho La Inagu Gartee, Wiil Geel Jiree Gaajadu Kareyn Waa Waxa Dhulkeena u Gaarahoo La Inagu Gartee Geed ... Abwaan Horaa Yidhi

Saturday 15 December 20120 comments



Shaash Saar!!!  

Reer Guura iyo gabar timo tidcani waa waxa dhulkeena u gaaraho la inagu Gartee

wiil geel jiree gaajadu kareyn waa waxa dhulkeena u gaarahoo la inagu gartee

Geed qodax leh  iyo godin iyo hangool waa waxa dhulkeena u gaarahoo la inagu Gartee

Riyo geesoliyo ido gorad madow waa waxa dhulkeena u gaarahoo la inagu garto

Ciid guduudano gogol doonaheyn  waa waxa dhulkeena u gaarahoo la inagu Gartee

Geel baar leh iyo awr guuraya waa waxa dhulkeena u gaarahoo la inaguGartee

Maantay galadi noosoo gashaee gobanimadayada guulow adkee. ………….Abwan. Cabdullahi Cabdi Shube

Waxan tibxaha howraarta maansada daah fur kaga dhigtay xeel dheerida iyo sida ay u huwan tahay  tilmaam ka bixinta dhaqanka Somaalida anigoo kaga gol leh tibixda ugu horeeysa oo tilmaam  ka bixineysa in asalka dhaqanka somaalida looga heyb sooco ummadaha kale in ay ka mid tahy “gabar timo tidcan” oo dhaqan ahaan miiga xitaa haduu wiilka dhalinyarada ahi meel shishe uu ka arko gabar timaha u tidcan yihiin uu garowsan jiray in ay gayaankiis tahay gacalna in uu ka dhigto go’aansan jiray  una soo hasaawo tagi jiray  balse hadii ay tahay mid hagoogan gambo uu  ay marqaati ma doonto ay aheyd in ay tahay marwo rageed, shaashka ayaa ah dhaqan soo jireen ah oo mii iyo magaalo  ay ka jirtaa caado dhaqameedkaasi inkastoo ay ku kala duwan yihiin habka shaashsaarka,  aynu ku hormarno miiga:


markii gabadha gayaankeed ay go’aansadan  guur ayuu  wiilka usoo geed fariisan jiray  reerkeeda oo gaabati  iyo gasiin la iidanto maalinta xaflada dadabgalka uu ka baxiyo gabadha gurina usoo yagleelo  ayaa la guri geyn jiray kadibna gabadha markii la geeyo gurigeeda ayaa ay timaheeda tidaca ay ka furi jirtay inkastoo ay gabadhu taasi ku dag dagi jirin ay ka xishoon jirtay in ay timaheeda tidaca ka fur furto oo shaashka 1aad ee la siiyay in ay saarato balse ay u habeyn jirtay xaawaleeyda dumar ay u aragto in ay xigtadeeda tahay oo xili kadib  shaaska labaad ee la siiyo ay saaran jirtay guursimada ama caruusada.


Magaalada ayaa in badan dhaqanka miiga ka duwan  oo gabdha markii la guursado loo dhigo maalmo badan oo xaflado ah oo loo yaqaano todobo oo lix maalmood kadib ay gabadha reerkeeda iyo reerka wiilka ay  shaash saaran kadibna halkaa ay gabadhu ku shaash qadataa  balse mida ay ka siman yihiin miiga iyo magaalada ay tahay in gabdha guurkeeda ugu horeeya la shaashiyo.


shaashka ama gambada ay saartaan dumarka somaalida ayaa ah mid aan kaga duwanahay dhaqan ahaan wadamada dunida habka lagu aqoonsado dumarkooda la gursaday halka wadamada qaar lagu aqoonsado far gal, qaar kamid ah wadamadaasi  lagu aqoonsado katiin iyo waxyaabo kale oo aan halkan lagu soo koobi karin balse dhaqan ahaan Soomaalida lagu aqoonsado hadii gabadha ay huwan tahay shaash ama gambo la garowsado  in ay tahay  oori ama xaas.

gobanimo doonkii ayaa oday somaaliyeed la su’aalay  lana weeydiiyay dhulka somaaliyeed halkuu ka bilaawdaa iyo  halka uu  ku dhamaado markaasuu yiri ” intii owr laga raro naagna gambo ka xirato” waxaana halkaa ka cad shaashka in maro ahaantiisa  uu yahay mid naga soo gaaray dhulalka carbta sida ay iigu warantay hooyo Soomaaliyeed oo aan arimahaasi kala sheekeystay balse dhaqan ahaan inta uusan shaashka soo gaarin ay dumarkeena xiran jireen gambo walow wax farqi ah aysan u dhaxeeyn shaashka iyo gambada balse dujigooda iyo daabacooda uu kala duwan yahay.


______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved