Gabar Muslimad ah Oo Fal Cadowtooyaya Ah Lagula Kacay Bariga Magaalada London (Dhacdo Xanuun Badan)..

Saturday 15 December 20120 comments


Mawaadin Cunsuri Ah Oo U Dhawashay Wadanka Ingiriiska Ayaa Si Xun U Dhaawacay Gabar Muslimad ah Kadib Markii uu Feer Aan Caadi Ahayn Oo ay Gabadhu La Dhacday Kaga dhiftay Tunka Ama Qadaadka.

Police-ka Bariga London ee wadanka England  ayaa gacanta ku soo dhigay danbiilihii  gaystay fal cunsuri ah oo uu kula kacay gabar muslimad ah.


Qabashada danbiilahan ayaan timid kadib marki ay police-ku ka war heleen fal danbiyeedkan uu gaystay ninkan. Poloiska ayaan wali si rasmi ah uu soo bandigin magaca ninkan ku dhaqaaqay falka cunsuriga ahaa. Lkn  Kamirooyinka duuba  faldanbiyedyada noocan oo kale ah  oo goobtaasi ku xirneed ayaa soo bandihtay qaabka ay wax u dheceen, muqaalkii xiligaasi ayaa soo bandhigay in ninka gabadha dhibka u geystay uu in badan daba socday  markii ay ka soo baxday gurigeeda ilaa goobta uu falkan ku sameeyay.

Gabadha ayaa sheegtay mar ay u Warameysay ATV  in ay dareentay Madax Wareeer aad ah markii ninka uu la cayay feerka xili ay ku dhex jirtay mid ka mid ah gawaarida gurmadka degdeg ah “Waxa aan arkay dhiig badan oo ku yaalo wajigayga mana garanaayo wax uu iigu maagay ”.

Waxa ay ku sii dartay gabadhan 16jirka ah “Waxa kaliya ay ah oo aan rajaynaayo ayaa ah in ninka sidaan igu sameeyay gacanta lagu soo dhigo oona Maxkamad lasoo taago si ninkan uu mardanbe ugu laaban danbi noocaan oo kale , kana uu noqdo kiisii ugu danbeeyay uu sameeyo” .





______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved