Daawo Video-ga Iyo Qosolka: Ajakis Oo Cunta Kariye Ka Noqday Shirkad Diyaaradeed

Saturday 15 December 20120 comments


Majaajaliistaha caanka ah ee Cabdi Muriidi oo ku magac dheer Ajakis ayaa ka mid noqday Shaqaalaha shirkadda diyaaradaha Oday oo duulimaad ka bilowday garoonka diyaaradaha Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, isagoo u qaabilsan cunto karinta iyo qeybinta

Majaajaliiste Ajakis ayaa mar uu kula hadlayay dadweyne kasoo qeybgalay munaasabadii furitaanka garoonkaasi ayaa sheegay in uu ka mid yahay shaqaalaha diyaaradda Oday, isla markaana ka ah shaqaale cunte kariye ah.

Ajakis ayaa markii magaalada Muqdisho lagu dilay saaxiibkiis Cabdi Jaylaani Malaaq "Marshaale" kasoo haaday magaalada Muqdisho, isagoo degaan ku noqday magaalada Hargeysa, halkaasi oo uu shaqadan ka helay.





______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved