Fanaaniinta Kunool North America Ayaa Qaab Qabiil Ugu Kala Qeybsamay Juba Iyo Cigaal

Sunday 16 December 20120 comments


Qaar ka mid ah fanaaniinta magaalada Minnesota ayaa si weyn isugu qilaafay arinta ku sabsan cidii qaban lahayd showga sanadka cusub iyagoo kala tageeray labada fanaan ee kala ah juba iyo cigaal.


Dadka ku nool magaalada Minnesota ayaa sheegay in ay ku jah wareersanyihiin cidii qaban lahayd showga sanadka cusub iyagoo la yaban is barbaryaca ka socda magaalada malmahaan gaar ahaan arinta ku sabsan in fananiinta ay ku kala tageerayaan labada fanaan qaab qabiil ah.


Sidoo kale dadka ayaa sheegay in ay ogaayeen awal in uu showga qabanaayo Fanaanka C/Qaadir  Juba  walibana ay sii gateen kararka xaflada ay ku gali lahayeen

Qabanqabiyaasha Xaflada Juba ayaa ku eedayay qaar ka mid ah fananiinta in ay wadaan fidno iyo kala qaybsanaan fananiinta ah iyagoo ku eedayay in qaab fowda ah u soo dhajayeen xaflad kale oo ay ku sheegayn in uu qabnaayo fanaanka weyn ee Ahmed Cali Cigaal

Dhanka kale qabanqabiyaasha xaflada Ahmed Cali Cigaal ayaa dhankooda ku jawabay in ay tahay magaalada Minnesota meel weyn qofkastana uu dhanka uu rabo xaflad uga qabsan karo dadkane xafladay rabaan ay aadi karaan.

Horay Fanaaniinta North America waxaa lagu tilmaami jiray fanaaniin isku duuban oo hal dhinac u wada socdo balse arintaan ayaa muujinayso in aysan waxba dhaamin fanaaniinta yurub oo lagu tilmaamo fanaaniin aan isku duubneen.



WD:- Max'ed Sadiq (Supper Boy)
______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved