Justin Bieber Oo Qabashadiisa La Duldhigay Aduun Lacageed Oo Gaaraya $2,500, Tolow Muxuu Galabsaday Maxaase Lagu Heystaa?

Saturday 15 December 20120 comments



Hablaha.com (HMN)- Justin Bieber, oo lala xariirinayo dilka gabadh 15 jir ah 2008-dii ayaa la dul dhigay cidii soo qabata lacag gaaraysa $2,500 kidib markii uu ku gacan seeray in uu u hugaansamo amar aay siisay Maxkamada dacawadiisa ka furan tahay ee ku taal Magaalada NY oo fariin ay u dirtay amar ku siisay in uu yimaado Isaga oo Diiday Amarkaas.

Justin Bieber ayaa loo haystaa dil Gebadh yar oo la dilaya Sanadii 2008dii waxaana iminka Booliiska ay ku mashquulsan yihiin sidii aay gacanta ugu soo dhigi lahyeen fanaankaa dilkaa lala xariirinayo .

Justin ayaa ilaa iyo hada aan la garan Karin halka uu ku dhuumanayo hayeeshee Booliiska ayaaa ku mshquulsan in aay soo helaan waxaana jira dad aay Booliiska u qabteen in aay xog ka hayaan Fanaanka hayeeshee waxaa soconaya baaritaano lugu hayo Justin rag uu saaxibo la ahaa.

Lacagtaa la siinayo cidii soo qabata ayaa Booliisku sheegeen in aay tahay mid loogu talagalay in lugu soo gacan galiyo, waxaana xubin ka tirsan booliiska u sheegay TMZ in u badan tahay in Kooxaha Gaangiska meel ku og yihiin laakiin hadii lacagtaa loo sheego waxaa suurogal ah ayuu yiri xubintaa in aay meel ku sheegeen .


______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved