Qoyska Wiil Soomaali British ah oo aan la ogeyn meel uu jaan iyo cirib dhigay iyo Saxaafadda oo.(Video)

Friday 21 December 20120 comments



Qoyska wiil Soomaali ah oo aan la ogeyn meel uu jaan iyo cirib dhigay ayaa waxaa la sheegay inay wel wel ay ka muujiyeen xaalada wiilkooda, iyadoona ay qoyskaasi sheegeen inuu wiilkooda uu u afduuban yahay oo ay meel qarsoodi ah ay ku heystaan sirdoonka dalkaas Mareykanka.



Maxamed Xaashi oo ah aabaha dhalay wiilkaan lagu magacaabo Mahdi Xaashi oo 23 sano jir ah oo aan si sax ah loo ogeyn meel uu ku sugan yahay laakiinse ay wararku qaar sheegayaan inuu ku xiran yahay mudo ilaa dhowr bilood ah xabsi qarsoodi ah oo ay sirdoonka dalkaas Mareykanku ku leeyihiin dalkaas Jabuuti oo ayna halkaa su'aalo ku weydiinayaan ninkaas saraakiil ka tirsan sirdoonka dalkaas Mareykanka asaga oo ku eedeysan arimo la xiriiro argagaxisanimo, ayaa aabahaas waxaa uu sheegay inuu ka wel wel san yahay xaalada wiilkiisa iyo waxa uu ku sugan yahay, Wiilkaan Wuxuuna sheegay Aabaha inay kol hore ay xiriir la soo sameeyeen kooxda sirdoonka ee dalkaas Ingiriiska ee loo yaqaan MI5 kuwaas oo ka codsadey ninkaas inuu la shaqeeyo oo kasoo War Bixiyo muslimiinta iyo Soomaalida kale ee kula nool xaafada uu ka degan yahay dalkaas INgiriiska laakiin ninkaas ayaa arintaas gaashaanka ku dhuftey asagoona walibana ku soo oogay dacwad ka dhan kooxahaas oo uu ku soo eedeeyey inay kula kaceen handadaad iyo cagajugleyn iyo inuu ka shaleyn doono hadii uusan la shaqeyn, Laakiin arinta la yaabka leh ayaa waxaa ay tahay in ninkaas oo ku jira xabsigaas iminka ay dowlada ingiriiska kala noqotey dhalashadii dalkaas Ingiriiska asagoona aan cag soo dhigi karin dalkaas oo aanana loo ogoleyn inuu ku soo noqdo islamarkaana aysan jirin cid ka tirsan safaarada dalkaas Ingiriiska oo u diyaar ah inay ka caawiso dhibaatada heysata ninkaas maadaama uusan ahayn ninkaas nin u dhashay dalkaas Ingiriiska oo laga ceshtey dhalashadii dalkaas,


Ugu dambeyntiina iyadoo aabaha ninkaas oo lagu magacaabo Maxamed iyo hooyadiis Kaltuun ay walaac weyn ka muujiyeen xaalada wiilkooda ayaa waxay sheegeen inay ka xun yihiin waxa qabsaday wiilkooda, iyadoona waalidiintaan ay warka ku saabsan wiilkooda ay ka war haleen ka dib markii nin kale oo ku xirnaa xabsigaas oo laga sii daayey uu soo gaarsiiyey fariinta ah inuu wiilkooda uu ku xiran yahay dalka Jabuuti, asagoona uu wiilkooda ka cabanaayeye jirdil iyo in si xun ay ula dhaqmeen saraakiil Mareykan ah oo su'aalo weydiinaayey, Aabaha ayaa sheegay in wasaarada arimaha gudaha ay iyadu isticmaashay awoodeeda oo ay ka celisay dhalashadii dalka Ingiriiska iyadoo lagu eedeynaayo inuu ninkaas qatar ku yahay amaanka dalka Ingiriiska xili uu ninkaas ka maqnaa dalka Ingiriiska, Sarkaal u hadlay dowlada Mareykanaka ayaa sheegay inuusan wax war ah ka bixin karin xiligaan arinta ninkaas, Ninkaas ayaa waxaa xaaladiisa ku jira iminka qolooyinka u dooda xaquuqda bin'aadanka iyo waliba looyarkiisa.






______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved