Fanaanka Abdi Holan Oo Soo Bandhigay Gabadhii Uu Aroosi Lahaa Iyo Hees Cusub oo Dookheyga La Yiraaho+(Video)

Saturday 22 December 20120 comments



Fanaanka Abdi Holland oo ah fanaan cod macaan aadna loo jacelyahay ayaa maanta  soo bandhigay Gabadhii uu guursan lahaa gabadhaas oo lagu magacabo mulki.

Mulki ayaa ah gabar aad u qurxoon aqoona leh kana baxday sida la sheegay Jamacada Middlesex University ee dalka ingiriiska ,waxayna baratay Nursing iyado waliba hadda ka shaqayso cisbitaal ku yaalo magaalada London ee dalka Uk
Fanaanka ayaa malmahan danbe xariir la lahaa gabdhaan lagu magacaabo mulki oo waqti dheer ka dhaxeyay jaceyl aad u weyn oo ku dhamaday guul maanta oo ah maalin jimca ah.

Abdi Holland iyo Mulki ayaa maanta maherkooda ka dhacay Magaalada London. waxaana isla maanta hadiyad qali ah u soo diray Abwaanka weyn Ahmed Heykal oo u soo samayay hees lagu magacaabo Dookhayga heestaas uu ku luuqaynayo fanaanka Maanta Maherskiisa uu dhacayo ee Abdi Holland.

Heykal ayaa ah abwaan mulaxamiiste iyo waliba Director aad loo jacelyahay waxana lagu xasuusta heestii Samir iyo waliba heesta isbuucyadan qabsatay dhagaha bulshada Soomaaliyeed ee u samayay Fanaanada Farxiyo Fiska heestaas oo la magac baxday Inagu Kala Qul Quli.

Sidoo kale waxaa la sheegay in arooska Abdi holland iyo gacalisadiisa Mulki uu dhici doono malinta tariikhda ay ku beegantahay 4  january ee sanad cusub ee 2013 ,waxuuna ka dhici doona magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Ugu danbeenti bahda HMN waxay leeyihiin Abdi Holland Iyo Mulki hambalyo maher wanagsan iyo waliba soo dadajiya arooska iyo xalwada.

Halkaan Hoose Daawo Heesta Dookheyga



______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved