Qiso Xanuun Badan Wiil iyo Gabar is Jeclaa oo la isku diiday kadibna ku balamay in ay is dilaan(Talow Maxaa dhacay)

Friday 28 December 20120 comments



Ciwaan mowduuciisa laga dhigay maxaa ka danbeeya qisadaan lasoo sheegay ( LADIES First) Ayaa aad usoo jiitay indhaheyga kadib markii an arkay in si gaar ah loogu asteeyey (ugu horeyn hawenka)

Qarnigii 18aad ee miiladiyada ayaa la sheegey in wiil dhalinyaro ah oo kasoo jeedo reer ladan iyo gabar iyado kasoo jeeda reer faqri ah ay is jeclaadeen waxaana ay go’aan ku gaareen in ay is guursadaan safarka dunidana isla qaataan madama ay yihiin labo ruux oo isku raali noqday waxaase kasoo horjeestay go’aankoodii wiilka reerkiisa maadama aysan ku qanacsaneen in ayaga oo ah reer qani ah (taajiriin ah) in uu wiilkooda guursado gabar ka darajo hooseeso nolol ahaan

Markii arinku halkaa is taagay go’aankii waalidkiisana uu maqlay ayuu usheegay in modka mahane usan wax kale kala geyn isaga iyo gacalisadiisa

Waxana ay si wada jir ah go’aan ugu qaateen in ay dunidaan ka faaruqaan oo ay isdilaan (intixaaraan)

Waxa ay soo aadeen magaalada banaankeeda buur dheer oo uu hoos maro tog biyeed waxeyna damacday gabadhii in ay iyadu bilaawdo in ay toga iska tuurto waxaase arintaas ka hor istaagay gacaliyaheeda oo sheegay in uu san u dulqaadan Karin in uu indhihiisa ku arko gacalisadiisa oo ku hor dhimaneesa waxana uu ka codsaday in uu isaga bilaabo waa ay ka ogolaatay wiilkii ayaa iska tuuray buurtii gacalisadiisa markii ay aragtay gacaliyaheeda oo geeriyoonayaa iyo xanuunka ay leedahay geerada ayaa waxaa si lama filaan ah isku badalay go’aankeedii waxana ay dib ugu soo laabatay magaladii waxaana ay guursatay wiil ay isku mansab ka yihiin dhanka nolosha

Wataa qisadii soo shaac baxday

______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved