Haweenay Booliiska u sheegtey in ninkeedii uu doonayo in uu isku qarxinayo diyaarad(Daawo Sawirada)

Friday 28 December 20120 comments



Haweenay lagu magacaabo Eunice Ukaegbu ayaa dhawaan ku kacdey mid ka mid ah sheekooyinkii ugu yaabka badnaa ka gadaal markii inta wacdey laamaha amaanka wadanka Mareykanka u sheegtey in ninkeeda Mr Okieze Ukaegbu uu doonayo in uu qarxiyo mid ka mid ah dayuuradaha shirkadaha diyaaradaha Delta Airlines ee Mareykanka laga leeyahay, iyadoo waliba sheegtey in Ninkeedu uu si gaar ah iskugu qarxin doono diyaarad ku socota magaalada Paris ee caasimada Faransiiska.

Ciidamada Booliiska iyo laamaha kale ee amaanka ayaa markii ay heleen warbixintan waxay ku yaaceen gurigii uu deganaa Mr Okieze Ukaegbu, waxaase loo sheegay in uu aaday garoonka diyaaradaha ee Newark Airport halkaasi uu ka dhoofi doono.



Gabar yar oo uu dhaley oo ku sugneyd guriga oo sheekada la socotey isla markaana maqleysay markii hooyadeed Booliiska la hadleysay ayaa inta telefoonka qabsatey waxay u sheegtey Aabaheed in ay guriga yimaadeen ciidamo Booliis ah oo doonayey, ayna hada ku soo wajahan yihiin garoonka dayuuradaha.

Mr Okieze Ukaegbu oo dhaafey qaybihii hubinta dadka safraya ee dhanka amaanka iyo document-yada socdaalka ayaa isagoo ku sugan hoolka dadka baxaya diyaarada ku sii sugaan, waxaa isku gadaamay ciidamada amaanka iyagoo u kaxaysay goob ay su’aalo ku waydiiyaan, waxaana la amrey in shandadii (boorsadii) uu watey laga soo dajiyo diyaaradii raaci lahaa.



Wargeyska New Yorka Post oo warbixintan qoray ayaa sheegay in mudo saacad ah oo baaritaan lagu hayey Ninkan iyo alaabtii uu watey, isla markaana dib loo mariyey qalabka X-Ray-ga iyo Screen-ka waxa qarsoon lagu ogaado, lana waayey wax shaki keeni kara oo cadeynaya in ninkan uu ku hawlan yahay fal liddi ku ah amaanka ayaa waxaa loo dhaqaaqay sidii lagu heli lahaa xogtan meeshii ay ka timid.

Mr Okieze oo 58 sano jir ah aya isagoo isdajinaya wuxuu Booliiska iyo laamaha kale ee amaanka ku saaciday baaritaankooda, isagoo waliba u raaciyey in xogtan ay tahay mid qaldan aysanna jirin wax dhibaato ah oo maagan yahay, wuxuuna u sheegay baarayaasha in xaaskiisa oo warkan u soo sheegtey ay tahay haweenay qamriga iska badisay.'



Ciidamadii amaanka waxay u tageen ninkan xaaskiisa iyagoo waydiiyey halka ay ka keentey xogta ay u soo gudbisay laamaha amaanka, waxay sheegtey in Ninkeedu uu sheegay in uu doonayo in uu isku qarxiyo diyaarada uu raacayo.

“Wuxuu ii sheegay in uu doonayo in uu isku qarxiyo diyaarada, ka dibna waxaan damcay inaan eego boorsadiisa laakiin way ii furmi wayday, aad ayaan u argagaxay, waayo isagu ma aheyn qof degan oo qalqal ayaa ka muuqdey, waxaana sameeyey wixii ugu fiicnaa uguna daacadsanaa ee ah inaan u sheego Booliiska xaaladan, aniguna waxa kaliya oo aan sameeyey waa inaan digniin bixiyo” ayey ku tiri Booliiska Eunice Ukaegbu oo ah 50 sano jir.

Laakiin baaritaan dheer oo mudo ay wadeen ciidamada Booliisku waxay ku ogaadeen in uu jiray muran iyo khilaaf xoogan oo ka dhex aloosnaa ninkan iyo xaaskiisa ayna diidaneyd in uu ka dhoofo magaalada, iyadoo talaabadan u sameysay inay ka joojiso safarkiisa uu ku doonayo in uu ku aado wadanka Nayjeeriya, isagoo Transit (ka gudbid) ku maraya magaalada Paris.

Booliiska ayaa markii ay heleen cadeymihii oo dhameystiran waxay u fasaxeen Mr Okieze in uu sii wato safarkiisii, iyagoo sheegay in ay maxkamad soo taagi doonaan xaaskiisa Eunice Ukaegbu oo ah kalkaaliso caafimaad, waxay kaloo Booliisku ogaadeen in haweenaydan ay aad u maseyrsaneyd ayna muuqatey in guurkoodu uu ahaa mid dhamaada.

Halkaan ka Daawo Sawirada



______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved