Hadmaa kuugu dambeesay Muuqaalka Quruxda Badan ee Baladweyn (Daawo Sawirada Hor marka iyo bilicda Magaalada)

Friday 28 December 20120 comments


Magaalada Baladweyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan xiligan waxaa laga dareemayaa hor mar dhinacyo badan ah iyadoona hada magaalada ay tahay mid nabdoon ay u socdaan howlaha kala duwan sidii loogu tala galay.

Shacabka ku dhaqan Magaalada iyo qurbo joogta kasoo jeeda Hiiraan ayaa magaalada kawada hormar dhinaca dhismaha iyo ganacsiga iyadoona hada Bilicda magaalada ay tahay mid si heer sare indhahana aragttideeda uroon .

Ganacsiga ,waxbaradhada iyo adeegyada Bulshada Magaalada Baladweyn ayaa si caadi ah usocda , amaanka guud ee Magaalada ayaana aad u fiican marka loo eego xiliyadii kala duwanaa ee lasoo maray.

Isbadalka kajira Magaalada Baladaweyn ayaa horseeday in dad badan oo mudo ka maqnaa magaaladaasi oo ka kala yimid qurbaha iyo gobolada dalka in ay dib ugu laabtaan magaaladaasi ayna halkaasi ka fuliyaan howlo ganacsi.

Amanaka guud ee Magaalada Baladweyn waxanaa gacanta ku haya Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo Ciidamada Midowga AFrika ee AMISOM gaar ahaan walalaaha Jabuuti oo markii ay magaaladasai tageen isbadal badan ay dadku dareemeen.


Halkaan ka daawo sawirada 

















______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved