Nin Sagaal Bilood ku Dul Noolaa Geed, Soona Degay Markii Xaaskiisu ka Raaligelisay Khalad uu ka Tabanaayay

Tuesday 25 December 20120 comments



Nin ka soo jeeda dalka Hindiya ayaa sagaalkii bilood ee u dambeeyey ku noolaa geed dushii, kaasoo loogu kari waayey inuu dhulka u soo dege, balse dhulka u soo degay, kadib markii xaaskiisu ka raaligeliyey khiyaamo uu ku eedeeyey inay kula kacday.

Raalligelintan ayaa uu xaaskiisa ka sugaayey sagaalka bilood ee uu geedka ku dul noolaa, balse ninkan oo magaciisa la yidha Sanjay oo 25 waxa uu wali hoy u ah geedkii, isagoo shuruud ka dhigay in xaaskiisa oo la yidha Tara ballanqaado inaanay khalad dambe ka galayn.

Mr. Sanjay oo gabadhan ay is guursadeen sannadkii 2011, balse sannad maalin maalmaha ka mid ah uu ku soo noqday guriga xaaskiisa oo la kaftamaysa nin ay jaar yihiin.

Ninkan waxa uu intaa kadib xaaskiisa ka dalbaday inay raalligelin ka bixiso xumaanta uu ka tirsanaayo, balse way ka diiday, waxaannu ku celiyey xaafaddii uu ka soo guursaday si khilaafkooda loo xaliyo, balse haweenaydaasi waxay ku adkaysatay go'aankeedii, iyadoo ku adkaysatay inay tagto magaalada Mumbia ee dalka Hindiya.

Sanjay waxa uu iska degay geed dushii oo ku yaalay xafadda uu gabadhan ka soo guursaday, waxaannu sheegay inuu soo degaayo haddii xaaskiisu raalligelin siiso, kana toobad keento khaladaadka uu ka tirsanaayo, gurigeedana ku soo laabato.

Sanjay waxa uu iska jaray dhammaan cuntadii oo dhan, isagoo cuni jiray caleenta geedka ka baxday, balse markii sagaal bilood sidaas ku dhafeen, waxa loogu yeedhay xaaskiisa, taasoo ka raalligelisay khaladkii uu ka tirsanaayey.

Waxa uu geedkan fuulay March 9, dedaal kasta oo aannu u galnay inaannu soo dejinana wuu naga diiday, waxaannu noogu hanjabay inuu is dilaayo, waxa uu cuni jiray, seexan jirayna geedka,? ayey wargeyska The Asian Age u sheegtay Sanjay hooyadii oo la yidha Kushma Dev.

______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved