Dooni Ganacsi oo ku sii jeeday Muqdisho ayaa ku degtay xeebta degmada Bandar Bayla

Tuesday 25 December 20120 comments



Wasaaradda Kalluumaysiga iyo khayraadka badda Puntlad ayaa sheegtay dooni ganacsi oo ku sii jeeday dekedda magaalada Muqdisho in ay ku degtay biyaha degmada Bendar Bayla ee gobalka Bari.

Wasiirka kalluumaysiga iyo khayraadka badda Maxamed Faarax Aadan oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in doonida ay ku degtay xeebta deegaanka kululle oo u dhow degmada Bandar Bayla.

Waxa uu sidoo kale sheegay wasiirka in doonida ay siday bagaash iyo qalabka dhismaha,iyadoo shaqalihii doonida la socday ay u dhasheen dalka Pakistan.

Duqa Degmada Badnar-Bayla Siciid Anteeno ayaa HABLAHA u sheegay in shaqaalahii doonta la badbaadiyey, kadib markii doontu u soo dhawaatey dhanka xeebta iyada oo ka soo abxsanaysa dabaysha, waxaana uu sheegay in Baddu aad u kacdey ay ka dhasheen hirar waaweyn biyuhuna galeen xaafado kamid ah magaalada taas oo ah xaafadda hoose, welina aan la qiyaasi karin khasaaradda dhabta ah ee meeshaas ka dhacdey.

Weriyaha HABLAHA ee magaalada Gaalkacyo oo subaxnimadii hore ee maanta la xiriirey degmada Garacad ee gobolka Mudug ayaa loo sheegay in baddu ay soo dhaaftey halkeedi isla markaana biyo badan ay soo gaareen magaalada Roobab dabaylo watana ka da’ayo dhanka cirka.


______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved