Mid kamid ah Dowladaha Afrika oo amartay in latoogto Tahriibayasaha Soomaaliyeed ee dalkeeda galaya ama kabaxaya

Wednesday 26 December 20120 comments



Dowlada Liibiya ayaa amar adag kusiisay ciidamada ilaalada Xuduudaha Dalkaasi in nolosha laga toogto Tahriibayasaha Dalkaasi soo galaya hadii ay arkaaan iyo waliba kuwa kasii baxaya Dalkaasi.

Mudooyinkii damb e ayaa dalka Liibiya waxaa gaarayay Thariibnayaal aad u fara badan oo Soomaali u badan kuwaa oo ka galayay dalkaasi Xadka Sudan ay lawadaagto Liibiya iyagoona markii ay gaaraana Liibiya uga sii gudbayay dhinaca Badda Wadamada Yurub gaar ahaan Talyaaniga.

Dowlada Liibiya ayaan ka dhawaajisay in gabi ahaan ay xirtay Xuduudaha ay Dalkeeda la wadaagto Sudan iyo Dalal kale oo Afrikaan ah iyadoona Ciidamada amar buuxa kusiisay Tahriibayaasha Soomaaliyeed iyo kuwa kale ay arkaan iyaga oo xadka kasoo gudbaya ama ka baxaya in ay toogtaan .

Danjiraha Dowlada Soomaaliya u fadhiya dalka Liibiya ayaa ka hadlay go’aano adag oo kasoo baxay Dowladda dalka Liibiya kaasi oo ku qotoma tahbriibka.

Ambasdor C/qani Maxamed Waceys safiirka Soomaaliya ee dalka Liibiya oo la hadlay warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in maamulka KMG ee dalka Liibiya ay go’aan ka gaareen Soomaalida tahriibka u taga dalkaasi.

Wuxuu sheegay in Liibiya ay xirtay dhamaan xuduudaha ay la wadaagto dalalka deriska la’ah taasi oo looga duulayo inaysan qof kasoo gudbin.

Danjire Waceys ayaa sheegay in Baarlamaanka dalka Liibiya ay go’aan ka soo saareen qulqulka dadka tahriibka ah hadii dad tahriib ahna ay gacanta ku dhigaan ciidamada ilaalada Xuduudaha ay tooganayaan taasina amar lagu siiyay.

Dhalinyarada Soomaalida ah ayuu ujeediyay baaq adag oo ku aadan inaysan dalkaasi ku qatalmin si naftooda aysan qatar ugu galin shuruucda adag ee ay soo saareen Baarlamaanka dalka Liibiya.
Dalka Liibiya ayaa wuxuu marin u yahay dadka doonaya inay qaab tahriib ku galaan Yurub islamarkaana doomo halkaasi ka raaca iyadoo dhawaan doon ay la socdeen muwaadiniin African ah oo ay Soomaalina ku jiraan ku qalibmatay xeebaha udhaxeeya Liibiya iyo Talyaaniga



______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved