Dalka China oo Caruurta ya yar la kala iibsado & Ciidamada Booliiska oo weerar gaadmo ah ku qaaday Suuqa..(Video)

Wednesday 26 December 20120 comments


Dalka Shiinaha ayaa Dunida oo idil waxa uu kaalinta koowaad ka galay wadanka kaliyah ee Caruurta sida weeyn looga ganacsado waxaana dalkaas u beec taga dadka xiiseeya arintaan ama kuwa ma dhalayaasha ah ee aanan waligood Caruur dhalin waliba heeysta Lacag ku filan .
  
Qaar ka tirsan Caruurtaan waxaa iska iibiya Waalidiintooda halka qaar kale lagu sheegay in la soo xaday oo si qarsoodi ah looga soo xaday Isbitaalada Caruurta ee dalka Shiinaha .

Tan iyo sanadkii 2009-kii dalka China waxa la kala iibsaday in ka badan 11.000 oo Caruur suuq madoow ah.

Ciidamada Booliiska oo guryaha ugu dhacay dadkii ka gacsan jiray Caruurta ayaa iminka waxa ay gacanta ku soo dhigeen dhoor Ciyaal oo la aqoon waayay Waalidiintooda balse Booliiska ayaa sheegay in ay baari doonaan Dhiiga Caruurtaan si loo ogaado dadkii dhalay ama kuwii iska iibiyay.

Halkaan ka Daawo Booliiska China oo qabqabtay Caruur la iibin rabay





______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved