Telefishinka Universl oo ka bilaabatey Dacwad iyo is Qab Qabsi u dhexeeya Qaar ka mid milkiilayaasha(Daawo Muuqaal ahaan)

Wednesday 26 December 20120 comments



Telefishinka caalamiga ee Universl Tv ayaa waxaa la sheegay inay ka bilaabatey dacwad iyo is qab qabsi u dhexeeya qaar ka mid milkiilayaasha teleefishinkaas iyadoona ay meel xun oo ku dhow in albaabada loo laabo telefishinkaas ay mareyso is qab qabsigaas u dhexeeya milkiilayaashaas telefishinka Universal tv.


Ismaaciil Nuur ( Ismaaciil Dheere) oo sheegtey inuu ka mid yahay aasasayaashii telefishinka Universal oo la hadl;ay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay inay jiraan dad shaqaale ka ahaa terlefishinka Universal tv oo is moodey inay leeyihiin asagoona sheegay agaasimaha TVga Universal Axmed Abuukar inuu ku kacay hanti lusasho iyo ku tagri fal hantiyeed islamarkaana uu isticmaalay awood uusan lahayn taas oo keentay inay dacwad ka dhan ah ninkaas ay ku soo ogaan islamarkaana ay arintoodu gaartey heer maxkamadeed.

Ugu dambeyntiina iyadoo dad badan oo Soomaaliyeed ay arintaan dhegahoodu ku cusub tahay islamarkaana ay waligood maqli jireen in Inj. Axmed Abuukar uu yahay milkiilaha Universl Tv ayaa waxaa la is weydiin karaa waxa arintaan hada ku soo beegay uu mudadaas sanooyinka ah oo Soomaali oo dhan ay maqli jireen milkiilanimada telfishinkaas inuu leeyahay ninkaas aysan cidi uga hadli iyadoona walibana arintaas laga baahin jirey telefishinkaas, dadkaan cusub ee hada soo shaac baxay ee sheeganayaa telefishinkaas ayaa ah kuwo ku cusub muuqooda iyo magacoodaba qaar badan oo ka mid ah dadka sida caadiga ah u daawada telefishinkaas Universl Tv.

Daawo Muuqaal ahaan Waraysiga iyo Masuulka Sheegtay Iniversal Tv


______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved