Soomaali La Soo Taagay Maxkamad ku Taalla New York Ayaa Waxaa Ku jira Mahdi Xashi Oo Dhawaan Lawaayay Meel Uu Jaan Iyo Cirib Dhigay.
Saddex dhalinyaro Soomaali ah oo dhawaan lagu xiray qaaradda Afrika ayaa la soo taagay maxkamad ku taalla magaalada New York iyagoo lagu eedeeyay inay tababar la qaadanayeen Xarakada al-Shabaab.

Wakaaladda wararka ee AP ayaa sheegaysa in dhalinyaradan la qabtay iyagoo u safraya dhinaca dalka Yemen.
Wararka ayaa sheegaya in mid ka mid ah dhalinyaradan Mahdi Xaashi lagu waayay geeska Afrika kadib markii dhawaan lagala noqday dhalashada dalka Britain halka labada kale la sheegayo inay haystaan dhalashada dalka Sweden.
Haddii danbiyada lagu soo oogay lagu helo waxay saddexdan mutaysan doonaan ugu yaraan 30 sanno oo xadhig ah ama xabsi daa;in.
______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.
Post a Comment