Sheeko Qosol badan oo Laga Sameeyey Dadka ku Qaraabta Quraafaadka iyo jinniga iyo Nin ku Shaqeysta+(Video)

Sunday 23 December 20120 comments



Sheeko qosol badan ayaa waxaa la sheegay in laga sameeyey dadka ku qaraabta quraafaadka iyo jinniga ka dib markii nin ku shaqeysta howlahaas uu u yeertay jinni taas oo ay ka qabsatey arin qosol badan.

Ninkan oo u yeertay Jinni ayaa waxaa uu soo xaadirey gabar sheegtay inay tahay qof insaan ah laakiin markii dambe isu badashey inay noqoto ri, ninkaan oo gabartaan ka shikiyey ayaa ku cel celiyey oo weydiiyey inay tahay insi ama jinni taas oo ay gabdhii ku adkeysatey inay tahay insaan, Laakiin ninkaan oo isku dayey inuu ka ag dhawaado gabadhaas ayaa mar qura waxay ku noqtey ari taas oo uu ninkii ku baraarugay asagoo ku dhegan ri meeshii uu ka sugaayey gabadhii la joogtey iyadoona uu ninkii quraafaadlaha ahaa uu goobtii ka cararay ka dib markii uu arkay waxa qabsaday.

Ugu dambeyntiina iyadoo qisadaan ay tahay mid qosol ah oo lagu duraayo dadka quraafadka ku qaraabta ayaa waxaa jira dad badan oo aaminsan inay jiraan waxyaabahaas iyo kuwo kale oo ka daran, iyadoona ay dad badan oo Soomaaliyeed qarash badan looga qaato waxyaabo la mid ah quraafaadkaas maadaama ay aamisan yihiin waxyaabahaas beenta ah ee la dhoodhoobay.

HALKAAN KA Daawo Quraafaadka iyo Sheekada jinniga




______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved