Ilaa 18 Ruux Oo Ku Dhintay Badda Puntland

Wednesday 19 December 20120 comments

Ilaa 18-ruux ayaa ku dhimatay 40-kalena waa la la’yahay, kadib markii dooni ay saarnaayeen ku digay xeebta mareero oo qiyaastii 20-KM dhinaca bari ka xigta magaalada Boosaaso.

Dadka dhintay ayaa isugu jira Soomaali iyo Itoobiyan, kuwaasoo doon macmal ah ka raacay deegaan xeebeedka ku yaala duleedka Boosaaso, halkaasoo caan ku ahaa abaabulka tahriibka qatarta ah.
Tahriibayaashan ayaa ku sii jeeday dalka Yemen, waxaana u badan Qowmiyada Oromada dalka Itoobiya, waxaana meydkooda galabta la geeyay Isbitaalka magaalada Boosaaso.

Ilaa shan qof ayaa la helay, kadib markii ay soo dabaasheen, markii doonta ay ku degtay intii aanay meel fog gaarin.

Wasiirad kuxigeenka wasaarada caafimaadka Puntland ayaa sheegtay in meydadkan la aasi doono, iyadoo cadeysay in laamaha ammaanka ay baadigood ugu jiraan dadka kale ee la la’yahay.

Shilkan ayaa noqonaya kii ugu dhimashada badnaa muddo ka dhaca xeebaha Puntland, halkaasoo sanadihii u dambeeyay ku caan ahaa tahriibka iyo falalka burcad badeedka.



______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved