Cawaale Aadan oo ka carooday hees uu qaado Dalmar Yare Sabatu Maxay Tahay...

Wednesday 19 December 20120 comments

HMN - Fannaanka caanka ah ee Cawaale Aadan oo ku nool dalka Canada ayaa ka carooday hees uu qaado fannaanka kale ee Dalmar Yare, kadib markii dhalinyaro fadhisay meel marfash ah oo lagu marqaamo ay shideen mid ka mid ah heesaha uu qaado Dalmar Yare.

Cawaale Aadan ayaa si caro leh ugu codsaday dhalinyaradii ay
isla fadhiyeen ee shiday heesta Dalmar Yare inay ka damiyaan, isagoo yiri "Waxaani fannaan iyo heesba ma ahan ee naga baqtiiya".

Dhalinyaradii heesta shiday ee fadhisay majliska (Marfash) ayaa ka jawaabay hadalka Cawaale, waxayna u sheegeen in uusan ku qasbaneyn dhageysiga heesta Dalmar Yare, isla markaana aysan jirin cid xaqiri karto fannaanimada Dalmar Yare.

Cawaale ayaa goobta ka istaagay, isagoo aan macsalaameyn dhalinyaradii kale ee marfashka fadhisay ayuu ka huleelay, halkaasi oo qosol iyo jeesjees ay ka raacday Fannaan Cawaale Aadan.

______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved