Gabar Guurkeeda ku Xirtay in Saaxiibadeed lala Guursado!!

Wednesday 19 December 20120 comments


Qisadan layaabka badan waxa ay ku bilaabatay markii nin guur doon ah oo u dhashay wadanka Sacuudiga uu Guur ka dalbay Gabar Mucalimad ka ah iskuul ku yaala Magaalda Dhaaif, Gabadhii ayaa inay guursato Shardi uga dhigtay inuu la guursado laba gabdhood oo kale oo saaxiibadeed ah Macalimiina ay ka wada yihiin iskuulka ay wax ka dhigto.



Arintaas ayaa aad uga yaabisay dadkii arintaas maqlay oo dhan oo uu ugu horeeyo Ninkii Gabadha Guurka kasoo doontay, ilaa markii dambe ay kusoo baxaan dad badan oo Wanaag iyo Aqoon lagu yaqaanay ogaadayna in Gabadha iyo Saaxiibadeedba ay arintaan dhab ka tahay, markaa ka dib ayay Ninkii Guur doonka ahaa ku yiraahdeen Guurso gabdhahan hadii aad guur doonayso shardigaas ayaa kaa xeran inaad hesho Gabdhii aad doonaysay.

Ninkii ayaa aqbalay inuu wada guursado gabdhihii Macalimiinta ka wada ahaa Iskuulka, waxaana loo sameeyay guur waafaqsan shareecda Islaamka, waxaana ay wada Dageen Guri weyn Sadax qeyb oo ka mid ah.

Arintaan waxaa qoray Joornalka loo yaqaan (اليوم) ee laga leeyahay Wadanka sacuudiga sida uu sheegay TV-ga Al-Carabiyah: Gabdhahaan ayaa waxa ay u nool yihiin inay Cunada ka wada Cunaan guriga Gabadha habeenkaas kalka u leh, waxa ayna iska gacan siiyaan howlaha Guriga oo dhan sida Cunada diyaarinteeda Nadaafada Guriga iyo wax walba oo quseeya nolosha Reerkooda.


______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved