356 Oo Qaba Cudurka HIV/AIDS Oo Sheegay In Ay Iyaga Dhexdooda Is Guursan Doonaan Warbixin Xasaasi Ah

Wednesday 19 December 20120 comments

Dadka la nool xanuunka HIV/Aids-ka ee ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay bilaabeen qorshe ay isugu aroosinayaan dadka qaba xanuunkaasi.

Dhowaan ayaa lagu dhowaaqey urur la sheegay in uu kulmin doono dadka qaba xanuunkan, kaasi oo iminka la sheegay in ay xubno ka yihiin 356 qofood oo isugu jira rag iyo dumar.

Gudoomiyaha ururkani ayaa sheegay in ay go’aansadeen in dhexdooda ay iska
guursadaan, kadib markii sida uu sheegay ay caqabado kala kulmeen bulshada kale oo cudurka ay qabaan ku faquuqaya.

Dadkani ayaa mararka qaar kaalmo ka hela meelo kala duwan, inkastoo aaney badneyn, waxaana ku jira dad da’ yar oo aan weli guur helin.


______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved