Dhalinyaro kaluumeysato ah oo xeebaha fog ee Muqdisho ka soo daba Yaxaas badeed+Sawirro

Wednesday 19 December 20120 comments



Dhalinyarada kaluumeysatada ayaa xeebaha fog fog ee badweynta Hindiya u jilaabasha taga, iyagoo soo qabta kaluunka kuwa ugu waa weyn, isla markaana u suuq geeya mid ka mid ah suuqyada kaluunka ee Muqdisho.

Xilligan oo ah xilliyada dabeylaha oo aan bada la gelin ayaa qaar ka tirsan dhalinyarada kaluumeysatada ay naftooda halis u geliyaan si ay u soo helaan kaluun, isla markaana noloshooda ku dabira dhaqaalaha ay ka helaan, iyagoo soo dabtay Yaxaas badeedka.

Mid ka mid ah dhalinyarada reer Muqdisho ee ka jilaabta xeebaha fog fog ayaa sheegay inay ku qaadato muddo 10-saac ka badan inay badweynta hindiya ka soo dabtaan malay, iyagoo xusay in xeebaha dhow ee Muqdisho ay ka yaraadeen malayga.

Dhalinyaradan ayaa badda gala xilliga casir liiqa ama galab gaabkii, iyagoo ilaa habeenkii bada dhex guureeya, isla markaana wata shabaagyo waa weyn oo ay ku dabaan malayga, iyagoo isticmaalaya doon macmal ah oo matoor ku shaqeysa.

Inkastoo xilligan uu malayga qiimihiisa aad u sareeyo, maadaama dabeylo la galay, isla markaana ay adag tahay in badda loo jilaab tago, hadana waxaa jira dhalinyaro qaar oo adeegsanaya xeelado, si ay xeebaha fog fog malay uga soo dabaan.

Nuucyada kale ee malayga u kala baxo ayaa adag in xeebaha dhow laga helo xilligan dabeylaha lagu jiro.

Dhalinyaradan ayaa marka ay xeebta keenaan malayga dushooda ku soo xamaala, ilaa ay ka keenaan suuqa malayga Xamar weyne, isla markaana sii iibiya.


















______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved