"Haweeney Kalkaaliso Caafimaad ah oo Is Dhishay Kadib Markii ay Qiyaano u Geysteen

Tuesday 18 December 20120 comments



Haweeney kalkaaliso caafimaad ah oo ka shaqeyneysay isbitaal ku yaala dalka Ingiriiska ayaa waxaa la sheegay inay is dishay oo ay nafsadeeda haligtey ka dib markii ay qiyaano u geysteen laba wariye oo ka shaqeynaayey radiyo ku yaala dalkaas Australia ka dib markii ay isaga dhigeen inay yihiin qoyska reer boqorka dalkaas Ingiriiska ka dibna ay ka ogaadeen sir culus.


Labadaan wariye oo kala ah haweeneyda lagu magacaabo Mel Greig iyo ninka lagu magacaabo Michael Christian oo ka howl galo radiyo lagu magacaabo 2Day FM oo ku yaal magaalada Sydney ee dalkaas Australia ayaa waxaa u suuro gashay inay si qiyaano ah ay ku mareen kalkaaliso caafimaad oo lagu magacaabi jirey Jacintha Saldanha ka dib markii ay teleefoon u soo direen oo codkoodana ay badaleen oo ay iska dhigeen inay yihiin boqorada dalkaas Ingiriiska Queen Elizabeth II iyo wiilkeeda Prince Charles ka dibna ay ka wareesteen xaalada xaaska Prince William haweeneyda lagu magacaabo Catherine oo ku jirtey isbitaalka King Edward VII oo ku yaala bartamaha magaalada London.


Xaaska Prince William oo loo geeyey isbitaalkaas ka dib madax xanuun iyo wareer la sheegay inuu ka yimid maadaama ay tahay qof xaamilo ah oo uur leh ayaa waxaa wariyayaashaas oo isk dhigaayo inay yihiin qoyska reer boqoqr oo wacay isbitaalkaas ka qabtey teleefoonkaas haweeneyda lagu magacaabo Jacintha Saldanha oo ah kal kaaliso caafimaad oo mudo ka howl galeysay isbitaalkaas, laakiin haweeneydaas oo u qaadatey cid la hadlaysa inay yihiin dhab ahaan qoyska reer boqor ayaa teleefoonka waxay u gudbisay haweeney kale oo ka warheysay xaalada caafimaad ee boqoradaas ku xanuunsaneyd isbitaalka iyadoona ay haweeneydii ay bixisay macluumaad ku saabsan sida uu yahay xaalka boqorada iyo waxa daawo ahaan loo siiyey iyo inay waqtigaas xaadirka ah ay hurodo iyadoo ay haweeneydaas ay u heysatey iyadana cida ay warbixinta siineysay inay ahayd qoyska reer boqor laakiin xaqiiqo ahaan ay ahaayeen labadaas wariye ee iska dhigay inay yihiin qoyskaas, iyadoona intaas ka dib ay wariyayaashaasi ay aduunka u soo bandhigeen sirta ku saabsan xaalada caafimaad ee haweeneydaas Catherine iyadoona ay arintaas u suuro galin boqolaal wariye ah oo ku sugnaa goobtaas isbitaalka ah albaabkiisa dhowr maalmood oo ay ku jirtey boqorada isbitaalkaas, Laakiin arinta naxdinta leh ayaa waxay tahay iyadoo haweeneydii qabatey teleefoonkaas markii ay soo shaac baxday qiyaanadaas iyo qaladkaas ay is dishay oo ayn nafteeda halaagtey ayadoo ka xun waxa ku dhacay oo ay u geeysteen waryayaashaas.

Ugu dambeyntiina iyadoo dhacdadaas ka dib ay labadaas wariye kala kulmeen dadka aduunka canbaareyn kulul oo loo marinaayey bogooda Twitterka taas oo keentay inay labadaas wariye ay gabi ahaanba xiraan bogoodaas ayaa sidoo kale agaasimaha raadiyaha ay u shaqeynayeen wariyayaashaas waxaa uu shaqada ka fariisiyey wariyayaashaas ilaa iyo amar dambe, wararka qaar ayaa waxay sheegayaan inay haweeneydaas ay sidoo kale ay kala kulantey eedeyn qoyska reer boqor iyo waliba maamulka isbitaalka ay ka shaqeyneysay laakiin arintaas way dafireen labada dhinacba inay eedeyn u jeediyeen, Haweeneydaan is dishay ee lagu magacaabi jirey Jacintha Saldanha oo 46 sano jir ahayd oo asal ahaana kasoo jeeday dalka Hindiya ayaa waxay lahayd oo ay ifka kaga tagtey laba caruur ah Ninka qabay haweeneydaas is dihshay Benedict Barboza ayaa sheegay inuu aad iyo aad uu uga xun yahay sida uu ku waayey xaaskiisii uu jeclaa.


______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved